Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxddii Soo Martay Somaliland Q.1aad (Abdi-Shotaly).

0
Wednesday February 26, 2020 - 09:23:49 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Sidee Bay Wax U Kala Qabteen Madaxddii Soo Martay Somaliland Q.1aad (Abdi-Shotaly).

    Cid walba wax baa lagu xasuustaaye markuu tago, ama intuu joogo-ba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cid walba wax baa lagu xasuustaaye markuu tago, ama intuu joogo-ba
waxa uu ku soo caan baxaa waxuu dhigtay, oo lagu majeertaa ama lagu karhaa, oo la yidhaahaa kuwan yaa dhan uun noo dhaafiya, iyadda oo la eegaayo afcaasha uu mid kaste ku kacay ee gaarka u ahaa, kagana duwaan yahay kuwii hore ee ina soo maray, Sidaas awgeed waxa la is waydiiyaa waxay soo kordhiyeen, kuwa mar-kaas sheganaaya in ay maamul ka mansuul yihiin sidda " raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" Haddii waxay sameeyeen ay yihiin, shar iyo khayr, bello iyo barwaaqo, musuq-maasaq iyo xaqsoor, xalaal iyo xaaraan cunis-ba, wax qabasho iyo hanti boob, tuugo iyo cuqdad, colaad iyo dagaal la kala dhex dhigo beelaha, sinaan iyo eex ka abuureen, qabyaalad iyo beello loo kala ab-tirsho, oo in hoosta la soo gashado ina geeska lagu feedho, oo la eryado iyaka oo aan wax denbi ah gelin, xumaan iyo wanaag, hantidda ummadda oo koox beelaysan gacanta loo geliyo, haddii ay tahay qandraas, maal-gelin, shaqoooyinka ummadda oo laga fuudh yeelo beesha kolkaas maamulka faraha ku haysa, Dalkii oo la dhaxal wareejey, oo aan fara ugu jirin ummaddii lahayd, ee ay Keliggii taliyaha Jabuuti, Abiy Ahmed, Farmaajo kala qaybsa-deen. lama soo koobi karo arimaha ay ku kala duwanaa-yeen, ee ku soo dhawaw:-

 

Waxan akhristaw ku soo hor dhigayaa sooyaalkii madaxddii soo martay Somaliland ilaa iyo ayaantii lagu  dhagu dhawaaqay Magaca Somaliland laga soo bilaabo 18/05/1991kii, mid waliba waxa uu soo kordhiyey iyo waxa uu baabi'iyey, maamuladdii aynu jeeniga ku soo dhufanay.  laakiin waxan ku soo dhamaynayaa, mid waliba wuxu yahay isaga baa is cadayn doona'e ee hoos ka akhriya, bal hadda ku soo dhawaadda waxay ku kala duwanaa-yeen Madaxddii hore ee Somaliland iyo askartan xunkunka u boobtay aad ka xoolaysa-teen ee ay malaxdda iyo naxligu beerka jiifaan;-

(1) Mujaahid/Madax-Weyne Cabdiraxmaan Axmed Cali, (ilaah naxariistiisa jano ha ka warbaaiyo'e):- 

(a) Wuxu ahaa ninkii markii ay ku guul daraysteen gudoomiya-yaashii ka horeeyey in ay dalka qabtaan, kii isagu lix bilood oo keliya, kaga saaray Faqash iyo maamulkii af-lahaarkii Ina bare, 

(b)  Wuxu ahaa kii Umamddii silcaysay, ee xeryaha itoobiya ku dhamaaday, dib ugu soo celiyey gurya-hoodii iyo dhul-kooddii, ee mar labaad dib u hanti-siiyey, gacan-tooda-na ugu soo celiyey, xornimaddii laga fara maroojay 01/07/1960 ee laab la kaca ahayd iyo ka fiirsosha la'aanta.

(c) Wuxuu noqday Madax-weynihii ugu horeeyey ee ay yeelato Somaliland mudo 30 sano ah ka bacdi ( From 26/June/1960-18/May/1991). 

( d) Wuxuu ahaa kii yidhi Wadda hadal aanu la gelaynaa Soimaliya ma jirto, ilaa ay na Ictiraafaan. Hadaba kuwii dagaalka sokeeye ku furay, ee doonaayey in ay dib ugu noqoto Somaliya, iyadda oo aan weli cago dhigan, baa maantana gacanta ku haya, oo mar labaad doonaaya in ay halkii ku celiyaan ( Waa Geenyo shaaximan iyo Raggii ma adigaa ka hadhaye), oo raba in ay keenaan Farmaajo Somaliland, haday ku cadaatay wixii uurka kaga jirey, waxay kolba Waddani iyo Garxajis ay is yidhaahaan ku sunta-ba ( maantana ma caad baa ummadda ka saaran).

(2) Madax-Weyne Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ( Illaah ha u naxriisto'e),

(a) Isna wuxu soo kordhiyey, in uu halkii ka sii wado, in aan lala hadlin Waxa loogu yeedho Somaliya, oo dhebiga buu u sii qorey, si toos ahna inoo kala dhaqaajiyey, ku yidhi Diinta islaamka iyo diirka madaw uun ha inaga dhexeeyo, waxa nasiib darro ah, kuwii dagaalka geliyey, oo ah labadda askari ee cuqda-daysan ee buka, markii uu arkay in ay bello iyo baas ka buuxdo calooshoodda, buu maamul-kiisii debedda ka dhigay, dal-kiina wuxu degay kolkii uu ka saaray mamaulka, labadan waalan ee askarta ah, waa kuwa sare ku yaala'e.

(b) Wuxu Sameeyey Lacagtii ugu horeysay ee ay yeelato Somaliland.

(c) Wuxu wakhti-giiba si deg-deh ah iyana u soo saaray Baasaboorkii ugu horeey ee ay somaliland leedahay,

(d) Wuxu inoo sameeyey Distoorkka hadda lagu tuntay ee asakartu dabadda ka tuurtay.

(e) Wuxu ahaa kii abuuray nadaamka Xusbi-yadda badan.Kanina golayaal sharci dejin ahi ma jiraan, ee isaga baa iska maamusha, oo dhuuni raacyo bay noqdeen, wax dimuqraadi ku salaysani ma jiraan haba-yaraatee, kaas oo imika " Raggii ma adigaa ka hadhay ku bedealay keliggii talisnimo aan xad lahayn, ilayn waa bilaa maskaxe.

 

 Akhristaw waxa nasiib darro ah iyo u qaadan waa, in wixiiba hadda aan lagu shaqayn, tusaale ahaan lacagtii waxay la mid tahay xashiishka, oo doolarkii maraykanka baa lagu bedelay. Distoor ma jiro ee waa khasab taydda uun ku soco. Baasaboorkii somaliya ayaa Hargeysa laga dhex qaataa.  Askarta laf-toodda baa maanta ku dhoofa baasaboorka Somaliya, cid kale iska daayoo, xataa xashka bay ku tageen, oo ummadda waa laga qariyaa runta inta been lagu maaweeliyo. Luxudka buu la soo kici lahaa Madax-weyne Cigaal, haday u suuro-geli lahayd in uu dib u soo noolaado, si uu indhaha ugu kala qaado, oo arko in Ka Mareexaan wax walba u soo saxeexo, oo askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" intuu cagaha wax ka deyey ilaa Itoobiya ugu tegay, yidhi na dhex -dhexaadi Abiy Ahmed-ka itoobiya, inta uu jilbaha qabsaday. Bal u fiirsadda inta jeer ee ay " raggii Ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximani" Madaxweyne kaste iyo ummadan lugooyo ku hayeen, iimaanka Alle ha ka qaado'e, wax kale-na umay socon ee waxay ka ahayd aad xoolo ka dhaqateen, ee may ahayn wax hagaajiya, iyaka oo aan weli lagu lahayn, meel ay dagaal SNM ah ka galeen, magaca ay basadeen ee Mujaahid-na, meel ay u soo mareen ma laha.

 

La soco Qaybta 2aad.

* N.B In Kastuu Durdur Iyo dabaal Gallo, Doofaar Abidkii Ma Daahiro, Oo Isma Doorsho Weliggii!

Qore:- Abdi-Shotaly

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...