Toddobo Qof Oo Ku Dhimatay Hindiya Xilli Trump Uu Booqasho Ku Joogo

0
Wednesday February 26, 2020 - 08:03:39 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toddobo Qof Oo Ku Dhimatay Hindiya Xilli Trump Uu Booqasho Ku Joogo

    Toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddobo qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen
dibadbaxyada rabshadaha wata ee ka socda dalka Hindiya, kuwaas oo looga soo horjeedo sharciga muranka badan dhaliyay ee dhalashada dalkaasi.



Dibaxyadan ayaa dalkaas ka socda xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu booqasho rasmi ah ku jooga Hindiya.


Hal nin oo boolis ah iyo lix qof oo rayid ah ayaa ku dhintay caasimadda Delhi oo ay ka dhaceen rabshadihii ugu xumaa tan iyo markii la meel mariyay sharcigaas.


Saraakiisha caafimaadka ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan 35 qof oo ku dhaawacmay xiisadda lagu daweeyay isbitaalka Delhi ee GTB, kuwaas oo dhaawacayo culus ay kasoo gaareen rabshadaha.


Haseyeeshee tirada dhaawacyada ayaa lagu soo warramayaa inay ka badan tahay boqol qof.

"Mid kamid ah dadka qaba dhaawacyada halista ah waa sarkaal boolis ah, waxaana loo gudbiyay isbitaal kale si loola tacaalo xaaladiisa," ayuu yiri sarkaalka caafimaadka


Baabuur ayaa dab la qabadsiiyay inta ay socdeen dibadbaxyada, waxaana dadka dhigaya dibadbaxa ay sheegeen in sharcigaas lagu bartilmaameedsanayo 200 oo milyan oo Muslimiinta dalkaasi ah. Waxaa laga cabsi qabaa in rabshadaha ay kasii daraan.


Weriyaha BBC-da ee bariga Delhi ayaa kusoo warramaya in inkastoo ciidan badan lasoo dhoobay wadooyinka, haddana ay jiraan dad weli dhagxaan la dhacaya booliska.


"Waxa halkan ku sugan dad gaaraya laba boqol oo qof, qaar waxay lulayaan calanka dalka Hindiya," ayuu yiri weriyaha BBC-da laanta Hindiga, Faisal Maxamed.


Wuxuu sidoo kale sheegay in xilliga lagu soo aadiyay arrintan ay tahay mid ceeb ku ah ra'iisul wasaare Modi, maadaama uu martigelinayo Madaxweynaha Mareykanka, rabshadahana ay aad u qabsadeen warbaahinta maxalliga iyo kuwa caalamka.


Maxay mas'uuliyiinta ka yiraahdeen xaaladda?

Barasaabka Delhi Arvind Kejriwal, ayaa dowladda ugu baaqay inay soo celiso kala dambeynta.

"Ciidamo ku filan oo xaaladda xakameeya malahan, boolisku waxay sheegeen in aysan helin amar ay xaaladda ku xakameeyaan, wax tallaabo ah oo ay qaadi karaanna malahan," ayuu yiri Arvind Kejriwal.


Booliska caasimadda Delhi ayaa si toos ah waxay uga amar qaataan dowladda u hogaamiyo ra'iisul wasaare Modi, halka maamul goboleedyadana ay hoos tagaan dowladaha hoose.


Wasiirka arrimaha gudaha oo ay hoos tagaan ciidanka booliska ayaa haatan kulan la leh Mr Kejriwal, si looga wadahadlo xaaladda.


Muxuu yahay sharciga buuqa dhaliyay?

Sharciga dhalshada dalka Hindiya oo wax ka badel lagu sameeyay ayaa magangalyo siyaasadeed u oggolaanaya dadka aan Muslimiinta ahayn ee ka soo carara dalalka deriska la ah Hindiya. Wax ka badelka sharcigaas ayaa abuuray cabsi ah in wada noolaashaha dalka Hindiya iyo nidaamka cilmaaniga ay khatar soo wajahday.


Dadka dhaliila siyaasadaha dowladda hadda jirta ayaa aaminsan in sharcigaas uu yahay mid lagu fuquuqayo dadka Muslimiinta ah, hase yeeshee dowladda ayaa sheegtay in dibadbaxyada looga soo horjeedo sharcigaas uu yahay mid aan micno badan ku fadhinin, dowladdana ay magangelyo su oggolaatay dadka laga tirada badan yahay ee la dhibaateeyay.


BBC


Loading...
Loading...