"Muuse Biixi Iyo Maamulkiisu Cadaawad Hore Oo Gaamurtay Ayey Kula Dhaceen Hadhwanaagnews"….Xisbiga Waddani
Hargeysa(HWN):-Xidhiidhiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani u qaabilsan qaaradaha Ameerika iyo Yurub Cismaan Cumar Dool ayaa ka hadlay carqaladaha ay shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews kala kulantay dawlada Muuse Biixi.
Xidhiidhiye Cismaan Cumar Dool ayaa sheegay in shabakada Hadhwanaagnews uu kornayl Muuse Biixi kula dul dhacay ciil uu hore ugu qabay, kaas oo haatan ugu soo gabaday musuq maasuqii ay ka baahisay gudoomiyaha baanka dhexe.
Xidhiidhiye Cismaan Cumar Dool ayaa qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlayey natiijada ka dhalatay caqabadaha ay dawlada Muuse Biixi hordhigtay shabakada Hadhwanaagnews waxa uu ku yidhi:-
"Hadii ay Shabakada Hadhwanaagnews mar ahaan jirtay Gaadh bira oo u taagan difaaca Qadiyada iyo Dawladnimada Somaliland, Maanta taasi way is bedashay waxaanay Mareegtaasi u taagan tahay la dagaalanka iyo qaawinta maamulka Muuse Biixi.
Yaa sababta leh?.
Waxaa sababta iska leh Maamulka Muuse Biixi ee miciinkii la colowga ah, oo Warbaahinta Handhwanaagnews u muujiyay cadaawad iyo takoorid ilaa xad ay gaadhay in Xayiraad la saaray akhriskii Shabakadaas ee Gudaha Somaliland iyo Saxafiyiintii Mareegtaasi oo hadh cad lafahooda uga yaacay Somaliland iyagoo ka baxsaday Xadhig iyo jidhdil loogu geystay Gudaha Ceelka Hargeisa, kuwaas oo haatan ku sugan wadanka Uganda, Sababta Shabakada Hadhwanaagnews loogu gefay waa ciil hore loogu qabay iyo cadho marmarsiiyo ka dhigatay Musuqmaasuq ay Hadhwanaagnews baahisay.
Arintai waxay keentay In Hawladeenada Shebakadaasi ay Gantaalaha wax burburiya la dhacaan Taliska haysta Tubtii Talisyadii waashay ee Muuse Biixi.
Afku
wuxuu la xoog yahay
Magliga xawda kaa jara.
WiilWaal
wuxuu yidhi "Ina rag hooyadiina ku dayayoo, Walaal wuxuu ku dhaamo waan
waayay"
Rag gogashii waa Godob la'aan.
Car juuq dheh iyo Aniga ayay igu godaa waxaa ka dhasha gilgilasho rag iyo in aakhirka Ciida afka la daro.
Allow
yaa wixii hore tage
Ee Taliya oo sheega.
Allow yaa yidhaahda joojiya ku takrifalka Awooda aad maanta gacanta ku haysaan,
lakiin aydaan beri ku hayn doonin