Hargeysa waa laysugu yimid....W/Q Xasan Gumburaawi

0
Tuesday February 25, 2020 - 20:31:04 in Articles by
  • Visits: 1140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa waa laysugu yimid....W/Q Xasan Gumburaawi

    Hargeysa waa laysugu yimid....W/Q Xasan Gumburaawi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa waa laysugu yimid....W/Q Xasan Gumburaawi


Hadaad rabto inaad kala amaan heshaan hablaha yar yar iyo dumarka,reer miyigaaga iska ahow hadii kale waxaad xidhataa surwaal aad moodo inuu kaa dhacayo muraayad wayn saacad baabacada gacanta leeg garan yar oo madow aadna kuugu dhegsan.

Image may contain: Hassan Gumburaawi


Abaaro sideedii habeenimo ee xalay ayaan yar gaadhay suuqa wayn ee magaalada hargeysa markii aan ka degay gaadhigii aan saarnaa dhawr talaabo markaan socday een u dhawahay Cadaani cafeteria iyo telesom inta u dhaxaysa ayaan arkay dhaliyaro rag iyo dumar u badan oo meesha tuban ood moodo inay ka soo dareeren jaamac meesha ku dhow
In yar hadaan socday waxa albaabka telesom igaga soo hor baxay wiil aanu sxb ahayn salaan iyo waraysi ka dib agtayada waxa taagan laba gabdhood oo aad u qurux badan dhar madow wada xidhan buugaag waawayn laabta ku haysta mobile na wada eegaya markaanu wiilkii kala dhaqaqnay een cabaar sii socdo ayaan maqlay gabadha ku dhawaaqaysa SACADOOOW SACADOOW


anigu se ilayn sacad ma ihiye waan iska socday show labadii gabdhood mid ka mida weeye gabadhan iga daba qaylyaysaa hadaan dib u soo jaleecayna waxay igu tidhi Maxaad isla dhaafinaysaa SACADOOW Yaaaab....! Iyo wll ninkaad i moodayso maaha intii aanu hadalkaas is dhaafsanaynay ayaa innantii kale u timid oo ay ku tidhi naa dadka miyaanad kala aqoon ma SACAD buu kuula eekaaday inanku intaas markay ku tidhi gabadhii ayay hadana u sii raacisay intaas iyagoo sii wada hadlaya Ma caawa ayaad reer miyi kasta u yeedhatay.


Ana waan sii maqlayaa markaas ayaan niyada ka yidhi Illaahay baa kaa kaxeeyay ee reer miyinimadu shaw qofka ilbaxa isku haysta oo dhan bay idinka haysaa


SACAD,kaa buudhiga madhan idinka kireeyaye Alle ha i idiin soo dhaweeyo


Talaabo dheerayn ayaan ba bilaabay wixii ka dambeeyay

Bal Adba....!!!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...