SNM waa jabhadda kaliya ee Nabad iyo xukunka oo ay wareejiso laga dhaxlay...W/Q Maxamuud Aadan Tarabi

0
Tuesday February 25, 2020 - 20:27:16 in Articles by
  • Visits: 1327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SNM waa jabhadda kaliya ee Nabad iyo xukunka oo ay wareejiso laga dhaxlay...W/Q Maxamuud Aadan Tarabi

    SNM waa jabhadda kaliya ee Nabad iyo xukunka oo ay wareejiso laga dhaxlay...W/Q Maxamuud Aadan Tarabi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SNM waa jabhadda kaliya ee Nabad iyo xukunka oo ay wareejiso laga dhaxlay...W/Q Maxamuud Aadan Tarabi


1.Arrinka Awdal ee 4 February waxa diidan Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar waxa ku raacsanaa fikirkaas 33kii ergada ahaa ee Burco kaga qaybgalay Shirweynahii Nabadda iyo Aayo-katashiga Beelaha Woqooyi. Waxa isaguna London uga markhaati furay Xaaji Cabdikariin Xuseen AHU (Cabdi Waraabe).




2. Salaadiinta reer Awdal ee maanta joogta Awdal arrinkan ma hadal hayaan. Waxaanay ahayd inay hadal hayaan hadday jirto.


3. Warqaddii Taliyihii Ciidamada SNM ee xeebta Saylac Haybe Laanbad uu u soo diray Reer Awdal, waxay ahayd Nabad. May ahayn hanjabaad iyo isdhiiba. Baaqaa Nabadda ah ee SNM ka yimi wuxuu sahlay ama sababay Nabad waarta.


4. Waraysiga Cabdillaahi Dareewal ee Xusuus reeb wuxuu ku sheegay inay fadhato dhacday. Laakiin dagaal Awdal ku qabsaday isdifaacid iyo isdagaalid midna ma sheeggin. Wuxuu waliba sheegay in hadhaagii Ciidamada Afweyne ay isa soo dhiibeen lamana laynin siduu sheegay.


Intaas markaad eegto waxa kuu baxaya Nabad iyo isfaham buuxa inuu dhacay. Haddii aad eegto doodda qaar kamida qurbajoogta Awdal iyo qayb kamida Shacabka reer Awdal waxay leeyihiin runtu sidaas maaha 'e waa nala laayey. Markaad tahay qof aan reer Awdal ahayn waxa kuu soo baxaya in reer Awdal dhexdooda isku raacsanayn wixii jiray ama aan jirin. 2 kooxood baynu u qaybsanahay koox aaminsan 33kii ergada ahaa ee shirkii Burco ee Aayo-katashiga Beelaha Woqooyi ka soo qaybgashay iyaga oo aan wadan habayaraatee dood ah waana la laayey. Iyo koox Xasan Daheeye iyo qurbajoogta raacda oo yidhaahda arrinkaasi uu jiray. Laakiin yaa wakiil ummadda ka ahaa? Yaa matalayey? Mar haddii salaadiintii iyo labeentii reer Awdal arrinkan aanay sheeggin amaba aanay hadal hayn waxa isweydiin leh waxa ku koobay qayb gaar ah oo reer Awdal ah.

Xagga Sool iyo Buuhoodle


Garaad Cabdiqani Intii aanu Baligubadle iman Hawl-gal ballaadhnaa oo nabadeed oo SNM ay ka wadday beelaha Woqooyi gaar ahaan Hawd iyo kuwa bariga Somaliland ayuu dhammaantood ka qaybgalay, Soomaaliyina meel ay joogtaba way mahadisay hawlgalladaa iyo heshiisyadaa nabadeed oo dhex maray beelaha Soomaalilaan iyo kuwa deegaanka Itoobiyaba. Heshiisyadaa waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa:


Qararro: 10-11/2/90kii
Dannood:15-16/8/90kii
Gawlallaale: 20- 22/2/90kii
Gaashaamo: 20- 22/8/90kii
Wanaagsan: 6-9/90kii


Mabda'ii SNM ee beelaha Woqooyi nabad buu ahaa marnaba lama sheeggin wax aan nabad ahayn inay isku raaceen Hoggaamiyeyaashii SNM. Shirkii Burco ee Aayo-katashiga beelaha Woqooyi waxa ka soo baxay:


1.In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
2. In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
3. In la sugo nabadgelyada Woqooyi
4. In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
5. In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
6. Arrinta nabadgelyada Sanaag in si gaar ah looga hawlgalo.


Qodobka 3aad iyo 6aad waxay sheegayaan Nabadgalyo iyo isxilqaan nabadeed. Sidaas buu Guddoomiyahii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali Nabadda ugu dardaaray ergyooyinkii shirka. Qof kasta oo madashaa ka hadlay wuxuu aqblay nabad iyo walaalnnimo. 17- Suldaan iyo Garaad isugu jira ayaa ku heshiiyey go'aankaas. Waanuu dhaqangalay. Wixii beelaha Somaliland ku kala maqnaa ee umulo doox iyo bililiqo lahaa ee ay qoriga isugu dhiibtay Tawraddii Kacaanku mabda'iyan waxa laga heshiiyey shirkii Burco ee Aayo-katashiga beelaha Woqooyi. Laakiin wixii dadka reer Soomaalilaan ay u geysatay Xukuumaddii Afweyne waxa loo raacayaa Xukuumadaas ninka isagu diiddan in Afweyne la eedeeyo ee ka xanaaqaya, ee leh maxaa Afweyne loo soo hadal qaadayaa waa nin saaran doon bilaa Jiheeye ah. Soomaaliduna doontaas wey ka degtay oo waxa la gaadhay in la isaga garaabo wixii uu geystay Afweyne u geystay Shacabka Soomaalilaan.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...