Cusbitaalkii Hargeysa Oo Wali Bilaa Oxygen Ah Iyo Wasaarada Oo Shirar Isdaba Joog Ah Ka Leh Xanuunka Coronavirus
Hargeysa(HWN):-Wasaarada caafimaadka somaliland ayaa wali ka shiraysa cudurka Coronavirus ee ka dilaacay dalka Shiinaha.
Wasaarada caafimaadka somaliland ayaa tan iyo wakhtigii uu xanuunka Coronavirus ka dilaacay waxay dedaal xoogan galisay sidii xanuunkan looga hortagi lahaa.
Dhinaca kale Wasaarada caafimaadka ayaa ka gaabisay sidii ay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ugu keeni lahayd Oxygen-ta ay u baahan yihiin dadka bukaanka ahi balse waxay u muuqataa mid awoodeeda iskugu gaysay ka hortaga xanuunka Coronavirus oo aan dalkaba soo gaadhin.
Masuuliyiinta ugu saraysa wasaarada caafimaadka ayaa shirar isdaba joog ah ka yeelanaya xanuunka Coronavirus balse ku guuldaraystay inay iskugu yimaadaan kulan kaliya oo ay kaga hadlayaa oxygen la,aanta ka jirta cusbitaalka guud ee hargeysa ee dadka bukaanka ahi u geeriyoodeen, iyada oo aanu ilaa hadana muuqan qorshe cusbitaalka loogu samaynayo adeega Oxygen-ta ee dadka bukaanka ahi baahida weyn u qabaan.
Cusbitaalka Hargeysa ayaana ilaa hada ku sugan xaalad Oxygen la,aaneed iyada oo ay saacad kastana suuragal tahay in qaybta gargaarka degdega ah la keeno bukaano noloshoodu ku xidhan tahay Oxygen-ta.
Shirarkii ugu dambeeyey ee ay masuuliyiinta wasaarada caafimaadku yeesheen ayey kaga hadleen xanuunka Coronavirus iyaga oo iska indhatiray xaalada Oxygen la,aaneed ee cusbitaalka guud, waxaanay soo saareen war nuxurkiisu ahaa qodobadan.
"Waxa xarunta wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ka qabsoomay kulan ay wada yeesheen wasiirka W/H/C iyo gudida ka hortagga CORONA VIRUS + gurmadka degdega ah markii loo baahdo.
Kulankan ayaa daarnaa falanqaynta kulan hore u dhex maray masuuliyiinta wasaaradaha caafimaadka ee Itoobiya iyo Somaliland kaas oo hore uga soo qabsoomay magaalo xuduudeedka tog wajaale.
Iyadoo masuuliyiinta caafimaadka ee labada dawladood kulankaa hore ugaga wada hadleen sida ugu haboon eelayskaga kaashan lahaa hadba wixii saaxada adduunka ee caafimaadka ku soo kordha, oo uu u denbeeyay CORONA VIRUS.
Ugu denbeyn waxa laysla meel dhigay iyadoo wasiirka W/H/C-kuna gudoominayay qodobadan:-
1. Dardar galinta hawlaha caafimaadka
2. Sidii feejignaan sare loogu yeelahan lahaa CORONA VIRUS iyo wixii kale ee
inagu soo kordha
3. Samaynta xidhiidh joogto ah oo ay wada yeeshaan gudida iyo wasiirka
wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo
4. Sidii loo sii wanaagin lahaa xidhiidhka labada dawladood ee dhanka
caafimaadka….
Allaa mahad leh….