Dawlada Muuse Biixi Dariiqii Saxda Ahaa Miyey U Martay Eedaynta Shirkada Hass Petroleum?
Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday in shirkada Hass Petroleum ay maalgelin la daba joogto jabhad lagaga dhawaaqay gobolka Buuhoodle.
Wasiirka hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Cabdirashiid Qambi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkada Hass ay ka mid tahay meelo kala duwan oo ay maalgelin ka hesho jabhada ku sugan Buuhoodle.
Hadaba suxufiga Maxamed Cabdi Sheekh Ilig ayaa ka hadlay dhawaaqa ka soo wasiir Qambi isaga oo iftiimiyey talaabooyinka ay haboonayd in loo maro eedaynta shirkadaasi.
Suxufi Maxamed Ilig oo ka hadlaya dariiqa ay xukuumadu martay ayaa waxa uu ku yidhi qoraal uu soo saaray.
Wasiirku waxa uu eedeyay shirkad Ganacsi oo dalka ka shaqaysa oo maalgashi ku samaysay dalka intiisa badan.
Hadaba miyuu maray dariiqa saxda ahaa.
1. Horta Shirkada shidaalka waxa maamula oo u ah Wasaarada wada shaqayneed Wasaarada Ganacsiga Somaliland.
2. Shirkada hadii eedayn xoogeedu intaasi leegyahay lagu eedaynayo waxay ahayd in xeer ilaalintu dacwad ka geyso maxkamada taasina ma dhicin.
3. Wasaarada Arrimaha Gudduhu waxay ahayd inay la timaado eedaynta Arrimaha khuseeya Amniga ee lagu eedeyay.
4.Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu uu ka badheedhay Arrinta eedaynta taasina maaha mid khusaysa shaqo ahaan Wasaaradiisa, balse waa mid ay kaliftay inay isku degaan yihiin shirkada uu eedaynayo taasina may ahayn shaqo Xukuumada biixi laga filayay oo Haayadaha sharciga ah ayaa shaqada leh, hadiiba eedayn jirto.
5.Hadii Wasiirku uu ku eedeyay shaadh wasiirnimo oo Xukuumada ahna oo ay kuwada socdaana waxay ahayd in arrintani hoos loo dhaqo oo nidaam Dawli ah oo aan shirkadaha Sumcadeeda lagu dilayn loo maro.
Sharcigu inuu Sareeyo waa in loo helo Xuquuq siman sharciga ee maaha in iyadoo aan eeda la dhamayn laga hadlo waxaan badhitaan sharci ah marin ama tuhun ah.