Cabasho Laga Muujiyay Odayaal Maalintii Lixaad ku Xiran Degmada Saylac

0
Tuesday February 25, 2020 - 19:17:44 in News by
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabasho Laga Muujiyay Odayaal Maalintii Lixaad ku Xiran Degmada Saylac

    Ku Tagrifal Dhinaca Sharciga Oo Lagu Eedeeyay Maamulka Gobolka Salal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku Tagrifal Dhinaca Sharciga Oo Lagu Eedeeyay Maamulka Gobolka Salal

Waxa saldhiga booliska ee Saylac ku xidhan maalintii 6aad cuqaasha kala ah Caaqil Shabeel Xaashi Dhaaraar iyo Caaqil Cali Cabdilaahi Suldaan, kuwaas oo lagu soo xidhay Amar ka soo baxay Badhasaabka gobolka Salal Mawliid Maxamed Nuur waqti ay ku sugnaayeen beertii lagu dilay Alle Ha U Naxariistee Marxuun Xasan Muumin Muuse oo ah beer ay arinteedu dhamaatay xukuumaduna ay Fasaxday.

Xadhigan Mudo dhaafka ah ee cuqaashan iyo cabashooyinka isa soo taraya ee ay dadka ku nool degmada Saylac ka muujiyeen Sarkaalka ugu sareeya Taliska Qaybta Booliska Salal, waxa ay ku soo beegmaysaa waqti Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland General Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale uu ku tagay gobolka Salal.


Dabcan, Taliyaha Booliska Gobolka Salal ee ay eedaha ugu culus dadka degaanku ka sheeganayaan ayaa xasaanadii iyo xilkii qaran ee loo igmaday ay dadka degaanku dareensan yihiin in uu ka dhigay mid uu ugu adeego Badhasaab Mawliid-ka Salal oo ay isku hayb yihiin, waxana ay tani sababtay in ay hoos u dhacdo kalsoonida ay dadka degaanku ku qabaan booliskii ay weheshan lahaayeen marka ay cadaalad daro, amni xumo, is-af-garad la'aan iyo arimaha la hal-maala dareemaan.

Yeelkeede, Rajadu Quus Ma Aha! Muwaadiniinta degaanka Saylac waxa ay wax badan ku niyad san yihiin in isbedelka uu ciidanka booliska ku wado Taliye Maxamed Dabagale in uu wax badan ka badali doonto habdhaqanka Taliyaha Salal iyo guud ahaan booliska gobolkaas oo u muuqda kuwo shacabkii loo adeegaha ahaa farta loogu fiiqay ulana dhaqma hab aan waafaqsanayn sharciga.

Loading...
Loading...