Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Eedeeyey Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Waddani Iyo Ucid

0
Tuesday February 25, 2020 - 19:06:51 in News by
  • Visits: 1200
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Eedeeyey Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Waddani Iyo Ucid

    Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Eedeeyey Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Waddani Iyo Ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Eedeeyey Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Waddani Iyo Ucid


Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay labada guddoomiye xisbi Mucaarid oo si wayn uga soo hir jeestay hadalkii Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku sheegay in la furi doono ururadii siyaasadda, hadalkaas oo dhamaan bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwani aad u soo dhaweeyeen.




Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo  warbaahinta la hadlay ayaa intaa ku daray in labada xisbi mucaarid sabab u yihiin in dalka ay ka qabsoomi waayaan doorashooyinku xilligii ay u muddaysnaayeen isla markaana aanay xilliganna diyaar u ahayn in dalka doorashooyin laga qabto.


Maxamed Jaamac Cabdi oo Arimahaas oo ka hadlayayna waxa uu yidhi"Waxa dib u riday arinta Doorashooyinka Xisbiyadda Mucaaradka Madaxweynuhu markii uu talada qabtay waxa u bilaabay inay suuragalaan qabashada Doorashooyinku,Xisbiyadda Mucaaradka ayaa yidhi Komishanka Doorashooyinka dooni mayno laba sano ayaa ku lumay Koomashankii Doorshooyinka ee kale waxa ay yidhaahdeen dooni mayno. Dastuurka ayaana jideeyay in Golaha Wakiiladu fadhiyaan inta gole kale la dooranayo markaa muranka Siyaasiga ah ee jiraa waxa uu ka yimi dhinaca Xisbiyadda Mucaaradka,waxaanay keentay in Shacbigii ka qanceen Xisbiyadii Mucaaradka taaas ayaa keentay in Shacbigii ku farxaan in la furo Ururadii Siyaasada Doorashadii way Qabsoomaysaa Komishanka Doorashooyinka majooratigii ayaa jooga laba Xubnood ayaa ka maqan.kala saarista Ururada Siyaasada waxa qabanaya Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka,”.


Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay oo yidhi"Waxay dhinac mareen Xisbiyadda Mucaaradku sidii Jamaahiirta Somaliland usoo dhaweeyeen furista Ururada Siyaasada ee Madaxweynuhu ku dhawaaqay in la furi doono oo aan lagu kala hadhin soo dhawaynta Ururada Bari iyo Galbeed si dhamaystiran ayuu shacabku usoo dhaweeyay,sidaa daraadeed may qiimayn Xisbiyadda Mucaaradku rabitaankii Shacabka muddo xileedadu waxa ay u qaybsamaan laba mid Dastuuriya iyo kuwo Xeer jideeyay wixii Dastuuriya waa lama Taabtaan Muddo Xileedka Madaxweynaha Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayaa ka mida muddo xileedkoodu waxa ay ku Cayimantay Dastuurka.wax ka badal kooduna waxa ay u baahantahay afti dadweyne muddo Xileedka Xisbiyadda xeer 14 ayaa jideeyay waxaanu leeyahay tobankii sanno marbaa la furaya Ururrada Siyaasaddu Dastuuri maaha oo Madaxweynuhu wax ka bedel ayuu ku samayn karaa.”


Xildhibaanka oo ka hadlayay siday u soo dhawaynayaan furista ururada siyaasadda,ayaa yidhi..”Waxaanu diyaar u nahay in aanu furano urur oo cid soo Sharaxno Somaliland abaal ayaanu ku leenahay intaaba waanu codaynay oo waanu Taageeraynay,”.


uu doonayaa faysal Cali Waraabe inta uu dibedda ku soo caayo Madaxweynaha marka uu Xafiiska Madaxtooyadda ugu yimaadana inuu ku caayo waana meel ka dhac Qaranimada ayaanay ceeb ku tahay,”.

Loading...
Loading...