Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ka Rabta In Doorasho Laga Qabto Sanadka 2020 Kana Hadashay Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi

0
Tuesday February 25, 2020 - 18:58:48 in News by
  • Visits: 2060
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ka Rabta In Doorasho Laga Qabto Sanadka 2020 Kana Hadashay Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi

    Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ka Rabta In Doorasho Laga Qabto Sanadka 2020 Kana Hadashay Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Somaliland Ka Rabta In Doorasho Laga Qabto Sanadka 2020 Kana Hadashay Kulankii Madaxweyne Farmaajo Iyo Muuse Biixi


Hargeysa(HWN):-Wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya James Swan ayaa ka hadlay kulankii uu madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu la qaatay ahogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Image result for james swan


Danjire James Swan oo warbixin siinayay Golaha Ammaanka Qaramada ee Midoobay ayaa soo dhaweeyay kulanka uu madaxweyne Farmaajo xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya kula yeeshay hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi.


Danjire James Swan oo ka hadlaya kulankii Addis Ababa ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi ayaa waxa uu yidhi "Horraantii bishan raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu agaasimay kulan ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi Mr James Swan oo intaasi raaciyay in ay ka rajaynayaan wada hadal aragti togan ku dhisan.


Mr Swan wuxuu intaasi raaciyay in ay waajib tahay in Somaliland doorasho ka dhacdo sanadkan 2020waxaanu yidhi mar kale "Somaliland waa in ay doorasho ka dhacdo, halka doorashada baarlamaanka in la qabto ay ugu dambeysay 2005, waxaan ku boorrinaya xukumadda iyo xisbiyada siyaasadda si loo helo dariiq looga dhaqaaqo cakirnaanta hadda taaggan, waa in doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha degaanku qabsoomaan ka hor dhammaadka 2020,” ayuu yidhi Mr Swan.


Loading...
Loading...