Wasiir Ku Xigeenkii Caafimaadka Dalka Iiraan Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

0
Tuesday February 25, 2020 - 18:43:00 in News by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku Xigeenkii Caafimaadka Dalka Iiraan Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

    Wasiir Ku Xigeenkii Caafimaadka Dalka Iiraan Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ku Xigeenkii Caafimaadka Dalka Iiraan Oo Laga Helay Cudurka Coronavirus

Wasiir ku xigeenkii caafimaadka dalka Iiraan ayaa qaaday cudurka 'coronavirus', xilli dalkaas uu la halgamayo mid ka mid ah faafitaankii ugu darnaa cudurka ka dillaacay Shiinaha.


Muuqaal fiidiyoow ah oo lagu daabacay Twitter-ka wakaaladda wararka ee Fars, Iraj Harirchi wuxuu sheegay inuu qabo cudurka, laakiin uu kalsooni ku qabo inuu ka caafimaadi doono viruska.

Wuxuu yidhi: "Runtii waan ka bogsondoonaa Corona, iraan waa mid ka mid ah waddammada uu sida xun ay u saameeyeen, iyada oo kiisas badan la xaqiijiyay 72-kii saac ee la soo dhaafay, iyo 16 dhimasho ah.

Shiinaha ayaa weli ah dalka ugu badan ee kiisaska adduunka, laakiin Japan, Kuuriyada Koofureed, Talyaaniga, iyo Iiraan ayaa dhammaantood diwaan geliyay tiro badan oo cudurro ah asbuucii la soo dhaafay.

Axadii, Iran waxay xidhay iskuulada iyo jaamacadaha 14 gobol waxayna u hibeeyeen 230 isbitaal oo ku yaal daafaha dalka si ay ula dagaallamaan cudurka 'coronavirus', sida laga soo xigtay Agence France-Presse (AFP).


Loading...
Loading...