Madaxtooyada Somaliland Oo Tacsi Udirtay Ehelkii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Shiil Dhidar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Shiil Dhidar oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/02/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay ciidamada iyo dalkaba kana mida ahaa Aas-aasayaashii seeska u dhigay dhismaha ciidanka booliska Somaliland, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay, markii u danbaysayna ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka Booliska Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, ciidamada Booliska iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!