Wada-Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Qaybtii 9aad

0
Tuesday February 25, 2020 - 09:20:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wada-Hadalka Somaliland Iyo Soomaaliya. Qaybtii 9aad

    Feb 2020

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Feb 2020

 

(Waa wax lala yaabo,marka aad la kulanto Soomaali,Shir wada fadhida oo loo kala tarjumay.,(ma aha dhalinyarada  qurbaha ku dhalatay)

Luqadda:-

Qaybtan waxaan jecelahay in aan si kooban wax uga idhaahdo Luqadaha(Afafka),Somaliland iyo Soomaaliya ku wada hadlaan,marka ay isugu yimaadaan Shirarka.

Guud ahaan Soomaalidu waa dad isku asal ah—isku Diin ah--isku Af ah—isku dhaqan ah.

Soomaalidu waxay leedahay Af(Luqada) ay ka buuxdo Sugaan kala duwana,sida Gabayada—Heesaha-Maahmaahyada iwm.Soomaalida waxaa  dhaqan u ah,marka ay wada hadlayso,wax kastan oo ay ka wada hadlayso in ay isugu hal qabsato amase tixraac ka dhigato Suugaanta balaadhan ee Afsoomaaligu  hodanka ka yahay,waa siyaabaha ugu fudud ee Soomaalidu wax isu fahansiiso.

 

Shirarkii ilaa hadda dhex maray  Somaliland iyo Soomaaliya ee ku saabsan wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya dhamaan waxa lagu qabtay :-

  1. Meel ka baxsan inta Afsoomaaliga ku hadasha,marka laga reebo Jabuuti,oo lafteeda Faransiisku yahay Luqada 1aad.
  2. Waxaa goobjooge yaal ka ah,dad u dhashay Wadamada Shirarka marti gelinaya, iyo qaar kaleba.
  3. Waxaa lagu wada hadlaa Afaf kale oo kala duwan oo aan wax xidhiidh dhow iyo mid fog toona la lahayn Afka Soomaaliga.

 

Hadal iyo dhamaan  aad iyo aad ayey muhiim u tahay,Luqada amase Afka ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Soomaaliya,waana qayb ka mid ah I fahanka iyo iyo isu soo dhowaanshaha labada dhinac.

Waan hubaa ,way adag tahay, heshiis fiican in uu dhex maro Somaliland iyo Soomaaliya inta ay ku wada hadlayaan Afaf kale oo aan ahayn ka ay wadaagaan -Somali.

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

 

 

 

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 [email protected]

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

 ---- la soco qaybt 10 aad ( maxaa laga wada hadlayaa)


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...