Somaliland Shantii Madaxweyne Ee Soo Marrey Ma La Is Odhan Karraa Sadexdii SNMta Ahaa Ayaa Jabiyay Axdigii

0
Tuesday February 25, 2020 - 09:16:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Shantii Madaxweyne Ee Soo Marrey Ma La Is Odhan Karraa Sadexdii SNMta Ahaa Ayaa Jabiyay Axdigii

    Shacabka reer Somaliland Ka Taagnaayeen Xamar iyo Xaajadeeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka reer Somaliland Ka Taagnaayeen Xamar iyo Xaajadeeda



Sida aynu Wadda ognahey,laga soo bilaabo tan iyo intii ka dambeysay Xornimadii 1960kii Dawlladii Ingiriisku siisay Shacabka Somaliland ilaa iyo dhismihii Dawladihii u kala dambeeyay Jamhuuriyadii Soomaaliya ee Waqooyigu la midoobay dadka kasoo Jeeda, Dhulkan Somaliland waxey tabayeen mar walba in ay Dawlladnimadoodii fara madhan ka joogsadeen, si bilaa Shurruud ahna ku wareejiyeen taas, oo marba marka dambeysa dareenkeedu meel xun soo gaadhey ilaa halgankii SNM ee kumanaanku ku dhinteen kumanaan kalena, ku dhaawacmeen, kumanaan kalena, ku agoomoobeen, kumanaan kalena ku miyir Beeleen, kumaanaan kalena, ku caydhoobeen.


Taas oo iyaduna Sabab u noqotey in dadkii Reer Waqooyiga ahaa, ee hadda Somaliland ku abtirsanaya ay ka fogaadaan guud ahaanba aragtida ku wajahan Koonfurta Soomaaliya, iyo Maamulo ka jirra oo Somaliland wax la wadaagto, maadaama oo Shacbigu maalin adag oo duruufo badani ku xeernaayeen, ay si xoog ah u taageereen, Gooni isutaagii lagu Dhawaaqey 1991kii halkaas oo Madaxweynihii u horeeyay oo ahaa Gudoomiyihii ururkii SNM Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali(Tuur) uu Gooni-isutaagii iyo Koonfur Diidkii Shacabka Reer Somaliland la qaatey, kuna hogaamiyay, sidii rabitaankoodu, ahaa.


Intaa kadibna Waxaa Talladii la Wareegay markii ay dhamaatey labaddii Sanno ee Ururka SNM Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal sanadii 1993kii isagoo adkeeyay bilaabayna dhismihii Dawlladnimo, iyo Mabaa,diidii Gooni isutaaga oo duruufo badan soo martey, laakiin Madaxweynihii u horeeyay ee SNM Marxuum Cabdiraxmaan Axmed Cali waxyar kadib xilwareejintiisii Wuxuu ka degay Xamar waxaanu ka baxey mawqifkii Gooni-isutaaga


Aftidii Dastuurka Somaliland ee la qaadey Sanadii 2001dii Xilligii Xukuumaddii Marxuum Cigaal, Waxaa qoddobadii Dastuurka ku jirey in aan Maamulka Somaliland xtaa Wada xaajood la yeelanin Maamulada Koonfurta Soomaaliya, iyo Xamar ka jira ee u badnaa Gacan-ku rimis aan iyagu kamid aheyn Kooxdii Janaraal Caydiid ee halganka qeybihiisii Dambe la gashey Taliskii Millatariga ahaa.


Geeridii Marxuum Cigaal Kadib, Waxa Tallada Somaliland qabsadey, Madaxweynihii Sadexaad oo noqdey Kuxigeenkii Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin marnaba ma dhicin in uu jabiyo Qoddobkaa Madaxweynihii ka horeeyay ku daadafeeyay Maamulada Koonfurta Soomaaliya iyo Xamar, Waxaanu ugu quus gooyay, Wada xaajoodka Maamulka Xamar ku xodxodanayay Somaliland kalamad adag oo aheyd «Qoolay Qoor Qabasho Kuma Biyo Cabto», mana yeelin Wax kasta oo mawduucaa ku Sahabsan, Waxaanu meel mariyay oo Socodsiiyay Dimuqraadiyadii iyo Doorashooyinkii uu Seeska u dhigay, Madaxweynihii ka horeeyay taas, oo iyana u quus goysay in Maamulka Xamar haweysto Somaliland,Wuxuna ahaa Madaxweynihii labaad ee Soo mara talada Somaliland oo aan aheyn SNM.


Haseyeeshee, Markii Madaxweyne Daahir Rayaale lagaga guulaystey Doorasahdii Dambe ee Madaxtooyadda Sanaddii 2010kii jagada Madaxweynahana uu kala Wareegay Madaxweyne Siilaanyo, Waxaa Xukuumadiisii noqotey Xukuumadii u horeysay ee jabisey Qoddobkaa  Dastuuriga ahaa ee ku sahabsanaa Soomaaliya, iyo in aan Somaliland la kulmin si ay u xaqiijiso jiritaankeeda iyo Gooni-isutaageeda halganka Shacabka ku dhisnaa.

 

Sikasta oo ay ahaayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hadda qabtey Xilka talada Somaliland islamarkaana, ah Madaxweynihii shanaad ee Talada Somaliland qabta Waxa uu dhinaca kale noqonayaa Madaxweynihii Sadexaad ee katirsanaa Ururkii halganka SNM ee talada dalka soo qabta sidoo kalena, muddo dheer oo uu khudbad kasta kusoo qaatey muddo Xileedkiisa Madaxweynaha Soomaaliya ee xiligan Farmaajo, waxa uu Madaxweyne Biixi khudbad kasta ku xusi jirrey «Inanka yar ee Farmaajo» laga soo bilaabo xiligii dagaalkii Tukaraq ee Ciidamada Qaranka Somaliland halkaa ku duuleen, laakiin in ka badan afartan jeer ayuu Farmaajo iyo inanka yar kusoo qaatey marka laga reebo Khudabad Sanadeedkii u dambeysay ee uu Maxamed Cabdilaahi ku sheegay, oo iyaduna ka dambeysay is aragii Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo ee Adissababa.

 

Gabagabadii haddaba miyaan la odhan karrin Madaxweynayaashii Ururka SNM ee Sadexda Madaxweyne ah miyaanay dalka uga lexo jeclo badneyn labaddaa Madaxweyne ee aan katirsaneyn Ururka SNM taas oo ay hadda wakhtigeedu taagan yahey waxna la iska weydiinayo in Madaxweyne Muuse Biixi oo Stii katirsanaa sababta uu ilaa iyo maanta u qarrinayo Wada xaajoodka uu la galey Farmaajihii uu maagayay labada sano iyo badhka mudo xileedkiisa ah iyo Waxa uu ku badeshay.

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Gabiley Somaliland

Tell:-0634466339  

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...