Guddida Horumarinta Maroodijeex: Ujeeddada Loo Dhisayo iyo Mudaneyaasha Soo Dhaweeyay.

0
Tuesday February 25, 2020 - 09:08:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Horumarinta Maroodijeex: Ujeeddada Loo Dhisayo iyo Mudaneyaasha Soo Dhaweeyay.

    Ugu horrayn waxa aan caawa dhisnay gole kooban oo Whtasp ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horrayn waxa aan caawa dhisnay gole kooban oo Whtasp ah, kaas oo aannu rabno in lagu kulmiyo dadka samafaleyaasha ah ee raba inay maskax, muruq, mirir iyo maalba kaga qayb qaataan dhismaha guddidan ka shaqayn doonto hayaanka togan ee Gobol-weynaha Maroodijeex.


Cid kasta oo xiise u haysaana si gaar ah ha iila soo xidhiidho. Waxa kale oo aan rabnaa in laga tala-bixiyo waxyaabaha ay ka shaqayn lahaayeen guddidani. Waxa aad kala socon kartaan tallaabooyinkeeda, tilmaantana aad ku soo hagaajin kartaan barta Facebook ee Guddida Horumarinta Maroodijeex..



Habeennimadii sooyaalku ahaa 21kii Jeneweri 2020ka oo aan barta Facebook ku faafiyay astaanta Guddida Horumarinta Maroodijeex waxa ila soo hadlay dad badan. Waxa ka mid ahaa Xildhiban Mukhtaar Xaaji Maxamuud Cabdillaahi (Diirqadhaadh), waxa uu ii sheegay in ay mudaneyaal ahaan dareensanaayeen baahida loo qabo guddidan, ayna ka wada hadleen dad uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland. Waxa uu ugu yaraan faaiidadeeda ku tilmaamay isdhexgalka ummadda.


Xildhibaan Mukhtaar waxa uu intaas raaciyay inay arrintan ka wada hadleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isla markaasna uu Madaxweynuhu yidhi "Xildhibaan, cidina kaama xigto waxqabadka iyo buuxinta baahida gobolka. Haddii ay reer Maroodijeex wax wada qabsanayaan waan soo dhaweynayaa, diyaarna waan u ahay”. Wuxuu ahaa hadal yididdiilo leh.


Dadka kale ee aan xaajadan kala hadlay waxa ka mid ah Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa Md Axmed Yoonis Aadan (Juxa). Waxa uu Xoghayuhu soo jeediyay in laga dhigo Guddida Horumarinta Hargeysa, waxaanan ugu warceliyay "Guddida Horumarrinta caasimadda waxa madax u ahaa Xaaji Aadan Aadan Axmed Diiriye (Baradho), waxay dhiseen Biriishka labaad ee Hargeysa 2006-2009.


Hadda dad waayeel ah ayay u badan yihiin.. Magaca iyaga ayaan ku dhawrnay.. Maroodijeex waa Hargeysa inteeda badani.. Dawladda Hoosena waa cidda ay wada-shaqaynta ugu badan yeelanayaan”. Intaas waxa aan u raaciyay ujeeddooyinka guddidan loo dhisayo, waanu ku qancay Md Axmed Yoonis Aadan (Juxa).

Ujeeddooyinka Guddida Horumarinta Maroodijeex


1. In gurmad iyo qaadhaan heer qaran ah loo dalbi karo waddooyinka Hargeysa soo gala ee Oodweyne, Sallaxley, Balligubadle iyo Dawga cad.. Haddii bilo ama sannad ay taakuleeyaan ardayda, shaqaalaha dawladda, ciidamada, xisbiyada, dawladaha hoose, baarlaamaanka iwm, qaar badan ayaa dhammaan lahaa.. Imaka waddooyin qabiil ayay noqdeen.. Haddii qaranku u taakuleeyo sidii waddada Ceerigaabo, beri hore ayay dhammaan lahaayeen oo dhismi lahaayeen.


2. In la sameeyo dallad midaysa oo horumarka, wada-jirka iyo iskaashiga ku jeedisa wasiirrada, culimada, haweenka, ganacsatada, dhallinyarada, madax dhaqameedka, xildhibaannada Maroodijeex kaga jira wakiillada, kuwa guurtida, goleyaasha degaanka Hargeysa, Sallaxley iyo magaalooyinka kale.


3. In xilliga ciyaaraha gobollada la barbar istaagi karo xulka Maroodijeex, waayo waxa la kala raacaa Gebiley, Hawd iyo Daad-madheedh. Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa keli ku noqota taageerada Maroodijeex


4. In qabyaaladda laga saaro gobolka iyo caasimadda oo la arko iyaga oo u midaysan horumarkooda, isla markaasna gudanaya xi guud oo wada saaran


5. In wadajir loogu gurman karo danyarta, derbi-jiifta iyo xaaladaha degdegga ah.

Maxaa ka mid ah baahiyaha ka jira Gobolka Maroodijeex ee ay tahay in la iska kaashado?

Mahadsanidiin


W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...