Faallo:- Jilayaasha Siyaasada Somaliland.

0
Monday February 24, 2020 - 19:18:39 in News by
  • Visits: 1900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faallo:- Jilayaasha Siyaasada Somaliland.

    Jilayaasha Siyaasada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jilayaasha Siyaasada Somaliland.

Hargeysa(HWN):- Ha qariibsan haddii Soomaaliland-ta 30 jirsatay qof wax iska waydiiyo muqadasnimadeeda.


Ninkii shalay 30 sanno horteed ka dagaalamayay caafimaad la'aan in maanta uu oxygen la'aan ubadkiisu udhintaan, waa maxay waxa uu ka dheefay Soomaaliland-ta muqadaska ah?



Waa muhiim in qof kasta oo caqli leh oo aan caadifaddi hagaynin uu wax iska waydiiyo, waa halkee halka loo socda?


Ma aha qof kasta oo inaga fikir duwanaada in aan afka kaga boodno; waa in aan dood ku qancinaa.


Waa kuma ninkan raba in uu dood qof ku qanciyo oo su'aalahan iyo kuwa la mid ka ah ka jawaabaya?

Dhalinyaradda maanta waa in ay si miyir qabta wax isaga waydiiyaan 30 kaas maxaan dheefnay oo aan nabad ahayn?


Wiilka ama gabadha maanta 40 jir ku dhaw ee aan hawaysan karin in uu ka qayb galo madalaha siyaasdeed kaasi oo leh han siyaasadeed oo uu waddanka ku hogaamiyo, Waa maxay waxa udiidaya haddii uu helayo meel tan u dhaanta oo waliba xoogiisa lagaga faai'daysanayo?


Tan iyo markii lagu dhawaaqay Soomaaliland jilaayasha siyaasaddu waa tiro cayiman oo aan naqaan oo iyaga uun ay kooto ugu xidhan tahay.


Waxa tusaale kuugu filan Golaha Guurtida.

Waa maxay waxa aan uga gilgilan wayno dhiigmiiratada kursiga inoogu fadhida oo midkood ba maalin ku biirayo tijaarta waddanka ugu waawayn, ee uu inoo diiriya hadal ka yimid mid inaga mid ah oo saluugay sida ay wax usocdaan?


Waa maxay sababta hadal inooga yimaado Koonfur aan isugu dayno in aan dhammaanteen ka fal-celino ee aan sidaas si la mid ah uga fal-celin waynay dhibaatooyinka waddanka ka jira:


sida,Biyo la'aan, Laydh la'aan, Caafimaad la'aan, Waxbarasho tayo liidata iyo waliba wadooyin la'aanba?

Ilaa goorma ayaan sidan sii ahaan doonaa dad jibo ku noola oo maalin meel isku rara?


Hadhwanaagnews.

Hargeisa Office.

Loading...
Loading...