Somaliland: Kharash Lagu Lunsado Magaca Degmooyin Tiro Badan Oo Aan Wax Soo Saarlahayn

0
Monday February 24, 2020 - 14:47:17 in News by
  • Visits: 2096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Kharash Lagu Lunsado Magaca Degmooyin Tiro Badan Oo Aan Wax Soo Saarlahayn

    Somaliland 30 Sano U Danbeeyey Faqriga Kordhayey Halka China 30 Sano U Danbeyey 630 Million Oo Qof Faqriga Ka Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland 30 Sano U Danbeeyey Faqriga Kordhayey Halka China 30 Sano U Danbeyey 630 Million Oo Qof Faqriga Ka Saaray

Hargeysa(HWN):- Somaliland waxaa ka jirra in ka badan todobaatan degmo oo aan la ansixinin darajadooduna laggu sheegay heerka D , kuwaasoo aan dakhli iyo wax soo saar aan midna lahayn .

Sido kale waxaa jira 23  degmo oo la ansixiyey oo iyana aan waxba kaga duwanayn kuwaa horre hasa yeeshee ku magacaaban degmooyin .

 

Hadaba degmooyinkaas waxaa ku baxa lacag laggu sheegay kab ay dawladda dhexe siiso , kabkaas oo ah lacag marka la isku daro ka badan mashruuc loo yaqaano GPLG , wuxuu ku baxaa kharashaad aan dhaafsanayn maamulka degmooyinkaas wax badanina kama gaadhaan bulshadda .

 

Dhinaca kale wasaaradaha Warfaafinta Tv Qaranka iyo joornaalka dawladda iyana kharash badan ayaa ku baxa .

 

Sidaa markay tahay , hadii guud ahaan lacagtaa loo leexiyo dhinaca tacliinta iyo caafimaadka muddo kooban ayaa laga dareemi karro isbadal wayn oo la taaban karro .

 

Sideedabana horumarku inagama xidhno wax inaga maqan oo aynaan haynin , laakiin wuxuu inaga xiga waxa aynu haysano oo aynu hagaajisano , siday u kala mudan yihiina u kala nidaamsano .



Hadhwanaagnews

Hargeysa/office

Loading...
Loading...