Dakhli Bilaa Cashuur Ah

0
Monday February 24, 2020 - 14:47:20 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dakhli Bilaa Cashuur Ah

    Tan iyo intii masaajidadda loo wareegay in la meherku ka dhaco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo intii masaajidadda loo wareegay in la meherku ka dhaco,

 waxa bilaabmay lacag xad dhaaf ah inay qabtaan culimadda masaajidka masuulka ka ah.


Dhalinyaradu waxay hoteeladii uga wareegay waxay ahayd lacagta hoteelada oo qaali ahayd, hadese masaajidadkii baa goob dakhli soo saar isku bedelay oo waxba ka dhicin hoteeladii.



khamiistii dhowayd waxaan ka qaybgallay meher ka dhacayey masaajidka, waxay soo dadkii lagu casuumay soo galeen masaajidka dabaqa sare 11:45 minute,labadda dabaqba meher baa ka socday, oo laba qolana way soo dareeraysay, laba qolo oo kalena way sii galayeen.


Wadaadkii masaajidka degdeg usoo gallay waxa uu fadhiyey wax ka yar 15 minute markii uu meherku dhacay markiiba wuu dhaadhacay oo kii hoose ayaa meher kale ku sugayey.

.
15-kii minite ba meher buu qaybgalayey.


Waxaan waydiiyey sababta duhurka loogu beegay , waxa la igu ydhi saacadah oo dhami way buuxeen oo waxa bilaabantay sideedii subaxnimo illaa 12 kii duhurnimo, markiiba laba meher baa xaga hoose iyo xaga sare ka wada dhacayey isla sheekhan uun baa meherinayey, galinkaa hore shan dabaqa hoose ah iyo shan dabaqa sare ah ayaa la isku meheriyey oo midkiiba yahay laba boqol dollar, maalinkasta oo khamiis ah waxa soo gallaya wadaadkaasi laba kun oo dollar waa hal maalin, xiitaa cashuur kuma jirto.


Masaajidka dhulka iyo dhismaha dad baa alla dartii u dhisay, laakin cidii masuulka looga dhigay waxay ka dhigeen meherad ganacsi, halkee la isku kala xisaabin.


W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...