Qaar Ka Mid Ah Ujeedooyinka Axsaabta Siyaasada Iyo Nidaamkadimuqaradiga Ah Ee Somaliland U Kori Waayey
MAXAY AXSAABTA SIYAASADA SOMALILAND U KORI WAAYEEN ?
Somaliland waxa ay qaadatay nidaamka axsaabta badan markii ay
dastuurka dalka dadweynuhu ku ansixiyeen 97% ee loo codeeyey sanadkii
2001 , dastuurkaasi oo dhigaya in nidaamka siyaasadeed ee dalka
Jamhuriyada Somaliland yahay nidaamka dimuqaradiga ah ee axsaabta badan.
Haddaba xiligii lagu dhawaaqay ururada siyaasada Somaliland ee ugu
horeeyey oo ahaa sanadkii 2002 waxa la sameeyey ururo siyaasadeedyo
badan oo ay ka mid ahaayeen, UCID , UDUB , ASAD , HORMOOD , SAHAN ,
ILEYS , BIRSOL , KULMIYE, ururadaasi lix ka mid ah ayaa tartankii ka
qayb galay waxaana axsaab siyaasadeed noqday sadexdii xisbi qaran ee
UCID , UDUB iyo KULMIYE oo ay ku kala biireen intii hadhay
siyaasiyiintoodii iyo taageereyaashoodii.
Axsaabta siyaasada Somaliland markii tartankaasi la qabtay ururkii
xumuumadii xiligaasi ee UDUB oo uu aas-aasay ruug cadaagii weynaa iyo
khabiirkii siyaasada somalida inta la yaqaan ugu xeel dheeraa madaxwayne
Maxamed Ibrahim Cigaal Ahn oo waliba xiligaasi uu sii mootanaa ayaa 64%
codadkii dalka ee ururada markii aanu barigaa eegnay helay , waxaana uu
sahlaysay kursiga oo uu xisbigu ku fadhiyey qaab dhismeedka loo dhisay
iyo aas-aasihiisa oo ahaa khabiir siyaasadeed.
Xisbigaasi weynaa ee UDUB hadii aad taariikhda dib u raacdo
doorashaba doorashadii ay ka dambaysay ayuu hoos usii dhacayey oo sii
yaraanayey , ha noqoto qofkii aasaasay aragtidaa fogaa oo ka geeriyooday
, ha noqoto damacii gudihiisa oo marba marka ka dambaysa lagu sii kala
tagayey , ha noqoto siyaasiyiintii ruugcadaaga ahaa ee axsaabta
mucaaradka isku urursatay , iyo in aanu gudihiisa ka jirin
dimuqaradiyadi , oo aan xusi karno tartankii ugu dambeeyey ee
madaxnimada lagaga helay markii xisbiga gudihiisa la diiday in lagula
tartamo madaxwayne Rayaale ayaa uu sii degay oo hoos usii dhacay.
Ururadii ugu miisaanka cuslaa waxaa ka mid ahaa urur siyaasadeedkii
SAHAN ee ay isku urursadeen mucaaridkii xukuumadii Madaxwayne Cigaal iyo
Asad oo isaguna qamaamuur siyaasadeed uu Saleebaan Gaal hogaaminayaa oo
mucaarad xoogan ahaa , xiliyadaasi maadaama aan dimuqaradiyada aad loo
fahansanayn isla markaana meel kale oo loo shaqo tago iyo wax la qabtaa
koobnaayeen , dad adag ayuun baa mucaaradada u badheedhayey oo iyagana
dawladii xiligaasi ee Cigaal shacabka ka haysatay.
Marka aad u kuur gasho taariikhda iyo sababaha ay axsaabtu u kori
waayeen amaba ku burburaan waxa aan ogaaday in horta marka hore wax
badan oo lagu wada socdaa yar yahay marka laga reebo damaca
siyaasiyiinta ee xilalka iyo hogaanka xisbiga oo hadii uu kaasi meesha
ka baxo qofku isla markiiba dibada uga boodayo xisbiga , xisbiga oo aan
lahayn gudihiisa shuruuc iyo qawaaniin kala hagta , isla markaana aan si
siman loogu tartami karin oo aan xubinta golaha dhexe ee damaca leh iyo
madaxweynaha ama hogaanka xisbigu kuwada tartami karayn si xor ah iyada
oo xataa waxa la qortay qurux badan yahay.
Arimahani waxa sababa dadka Somalida oo aan helin fursad ay ku
fahmaan dimuqaradiyada iyo xuquuqda muwaadiniinta iyo xoriyaadka qofka
ee aasaasiga ah , iyada oo waliba ay ku soo dhacday dawlad kalitalis ah
oo aan dabadeed la hadal oo sharcigu ahaa rabitaanka jaalaha dalka
xukuma cidii ka hortimaadana qoorta loo dheerayn jiray , taasi oo
sababtay in masuulkasta oo dawladaasi xil ka hayey 70% ay sidii ay
doonaan dalkii Somalia u maamuleen cidii ay doonaan laayeen , cidii
nidaamka ka hortimaadana hadalkeegaba daa iyada.
Ababinta nidaamka kalitalis waxa uu geyeysiiyey in axsaabta
siyaasada loo fahmo sidii Xisbigii Hantiwadaaga oo kale oo maalinba
qofka hogaanka ah loo tumo rabitaankiisana lagu shaqeeyo haduu xisbul
xaakim yahay oo uu dalka maamulana hadalkiisaba daa isaga , arimahani
waxa ay ina geyeysiiyeen in dimuqaradiyadii Somaliland iyo dastuurkii
dalku shaqeyn wayaan , sidaasi oo kale dadku fahmi waayaan nidaamka
dalku qaatay cid fahamsiisana ay waayeen oo ku jaah wareereen maalinba
hebelo is eryanaya oo hebel kursiga la soo dhiciya.
Xusbinimada lafteeda oo loo arki waayey wax umadu wada leedahay oo
min tuulo ilaa heer qaran ay ahayd in lawada ilaashado , dhaqaalohoogana
la qaadhaamo si wax wada lahaanshuhu u muuqdo , arimahani la'aantood
ayaa waxa ay dhalisay in shaqsiga hogaanka ah ee sharaxani uu xoog iyo
xoolaba xisbiga galiyo waxii uu hayey , waxii kalena uu ka soo
qaadhaamo beesha uu ka soo jeedo , taasi oo sababtay in axsaabtii ay
beelo iyo shaqsiyaad lagu sunto oo halkaa wax wada lahaanshihii ku
lumay.
Ujeedada labaad ee adhaxda ka jabisay axsaabta iyo nidaamka
dimuqaradiga ah ee dalka ayaa ah in aan axsaabtu lahayn qorshe
siyaasadeed dhow iyo mid fog toona , iyo wadadii lagu gaadhayey
qorsheyaasi ( strategy ) oo aan iyaduna jirin , taasi waxa ay sababtay
in aan dadku kala jeclayn ba axsaabta siyaasada ee qofka hogaanka marba u
haya uun la eegto.
Ujeedada sadexaad ee uu u koriwaayey nidaamkeena dimuqaradiga ahi
waa qiimeyn la'aanta qofka kula soo shaqeeyay ama xisbiga tacabka
galiyey oo aan uga soocneyn dadkii kale , arimahani waxa ay dhaleen in
ay dadku ku dhiiran waayaan in ay xisbiga u hagar baxaan waayo waxa ay
hore u arkeen dad badan oo inta lagu guuray haddana laga guuray oo goob
cid lo ah wada yuurura oo badhkood cadhada siyaasada go'aano wada qaldan
ay qaataan iyo qaar khalkhal nafsi ahi ku dhaco .
Taariikhda aan ka soo sheekeeyey ayuunbay ururadii iyo axsaabtii
siyaasada ee kuwaa hore ka dambeeyeyna ay raaceen oo ay kuwada daciifeen
, oo aynu ilaa maanta u gaadhi laanahay ujeedooyinkii loo aasaaasay
ururada iyo axsaabta badan oo aan meesha ka muuqan amaba kaba baxdayba
iyo waliba cunfi iyo qabyaalad hor le oo ay inagu dhalisay oo reero loo
kala saftay ... markaa waxa aan dadka reer Somaliland uga digayaa in
laga digtoonado khaladaadkaasi hore oo taariikhaha na cashar laga barto
si aynu u helno nidaam dimuqaradi ah oo hufan , iyo xukuumad qurux badan
oo ka soo baxday xisbi dhisan oo qorsheyaasheeda iyo wadada ay u
maraysaaba u cadahay.
Muxamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...