1948 Wadanka Marayikanka Masar Iyo Itoobiya

0
Sunday February 23, 2020 - 21:35:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    1948 Wadanka Marayikanka Masar Iyo Itoobiya

    1948 waxa heshis ku galay wadanka marayikanka masar iyo itoobiya waxana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1948 waxa heshis ku galay wadanka marayikanka masar iyo itoobiya waxana
si hoose heshiska garsoor uga ahaa ingriiis heshiiska waxa lugu heshiyey in aan wax is badala lugu samayin wabiga niilka

1954 ayaanu heshiskaasi dhamaaday hada waa marki ingriisku dhulka somalida itoobiya ku wareejiyey itoobiya halkaa waxa ka cad in itoobiya dhulka somali galbeed dhaafsatay joojinta biyo xidheenka abay



Dhawaan waxa marayikanka ka dhacay heshiis lugu dhexdhexaadinayo itoobiya iyo masar lkn Nasiib daro waxa uu heshiisku u cuntami waayey itoobiya oo masar oo qudha saxeexday


Bari ayey itoobiya iskaga imanayisaa oo ay ka tashanayisa heshiiskaa waxa dabada ka riixaya marayikan iyo bangiga calamiga waxa kula socda imaraad,sucuudi iyo ingiriiska


Hadaba itoobiya way ku adagtay inay joojiso biyo xidheenka abay sidaa si la midna nolosha masaridu waxay ku xidhantay in la joojiyo biyo xidheenka hadaba maxaa xala?


Haddi aan aragtidayida cabiro waxay ila tahay in itoobiya lugu qancin doono in ay joojiso biyo xidheenka abay heshiiskana ay ku qanacdo lkn sidi 1954 lugu badalay in la siiyo dhulka somalilda manta wax la siinaya bad ay leeday somali magaladay doonto ha ahaate


Rayisalwasaraha itoobiya waxa loo balan qaadaya in la soo saarayo oo uu xisbigisa PP ku gulayisan doono doroshada dabayaqada 2020 ka dhici doonta itoobiyana bad heli doonto


Hadaba Badaasi waxa ilatahay inay noqon doonto bad ku taala magaalo ka mida somaliland lkn badaas iyada laftigeeda waxba lugu badalanayaa waxaa lugu badalanayaa waxay noqon kartaa in somaliland la siiyo ictiraaf madamay iyadu leeday badaa


Siyaasdu waxay la midtahay sida ciyaarta turubka oo dhinac kale way isku gadiyi kartaa oo waxa dhici karta in farmaajo saxeexo badaa kadibna uu codsado in lagala shaqeeyo midnimada somaliya aduunkuna somaliland ku qanciyo midaw danbe oo la la galo koonfur


Lkn Guusha ciyaartaasi waxay ku xidhantay siday u dheelan farmaajo iyo muse

 

Fari kama qodna faanoole

WQ:Axmed alhaashimi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...