Faallo:- Maxay Kala Faa'iideen Askarta Hargeysa, Abiy Ahmed iyo Farmaajo ( Abdi-Shotaly) .

0
Sunday February 23, 2020 - 08:47:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 4
  • Share via Social Media

    Faallo:- Maxay Kala Faa'iideen Askarta Hargeysa, Abiy Ahmed iyo Farmaajo ( Abdi-Shotaly) .

    Waxa la sheegayaa, in " Raggii ma adigaa ka hadhay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la sheegayaa, in " Raggii ma adigaa ka hadhay,
Geenyo shaaximan, faratoon iyo nin afraad" Ay ahaayeen cida wafdigii xabashida la kulantey. Iyadoo waftigii xabashidu noqdeen, hadana waxa soo if-baxaya nuxurka shirkii qarsoonaa ee Addis Ababa. Waxa la sheegayaa, in Askarigu ka wareerey qaybta la siiyey, oo ah in Somalia la geliyo transitional period ( Maamul ku meel gaadh ah), loona soo guuro Hargeysa, oo Hargeysa caasimadda noqoto ilaa 10 sano. Oo hawiye iyo Al-shabaab loo kala baxo lagana guuro Xanar. Daarood-na ay ogolyiin in sidaas la yeelo. Sidaas oo ay tahay, baa hada waxa uu Askarigu bilaabey in uu gaashaan buurta Qudhmiye ka dhaadhiciyo, in ay aqbalaan heshiis-kaas oo ay ka fara qabsadaan, laba waji mid-kood. Halkan hoose ka akhri waxa la kala macaashaayo:-


Askarta waxa Faa'iido ugu jira:-

(1) Waxay helayaan in dhaqaale wacan oo koodii hore ugu biiri doono uu soo gallo, taas oo sii naaxin doonta maal-gelinta hadda uu u sameeyeen, intii ay "Xaafad-tooyadda" boobeen ee hore ugu naaxeen SL, imikana ay ugu darsa-mayso mid Somaliya ahi.


(2) Waxa uu si cad ugu sheegay, In intaa wax ka badan aaney jeegaantu sii wada karin maamul gooni u socda, iyadoo ay jiraan dariiqooyin xawli ku socdaa, oo Somali-Weyn ah, oo ay Garxajis iyo daraf-yaddii jaanta isla helaan. Taas oo dhaqso jeegaantu cidla iska heli doonto keli-good.


(c) Wuxu askariga si cad loogu sheegay, in haduu diido in Ay farmaajo iyo Abiy Ahmed yimaadaan Hargeysa, khasab lagu qaban doono dalka, isana debedda la dhigi doono, taasna aanay dani ugu jirin Dhamaan jeegaantii ka ceeshi jirtay, waxa Somaliland la yidhaaho, hoostana looga soo saxeexi jirey waxay dhuuqi jireen.


Maxaa Farmaajo Iyo Daarood Ugu Jira Iyana? Jawaabtu waa tan:-


(a) Farmaajo isna waxa uu helayaa magac ah soo celiyaha midnimo Somaliyeed, oo dib u soo noqota, kuna helo in mar kale dib loo doorto, waayo wuxu dhabadda u xaadhay wixii riyadda ahaa, ee la odhan jirey Somali Weyn.


(b) Wuxu ka bad-baadayaa cunihii ay ku hayeen Hawiye Daarood ee Xanar.


(c). Wuxu Daarood u soo hooynayaa, in uu hawiye kula gogor-tami karo cududda Isaaq, oo ay magaala-doodii Xamar ka guuraa noqonato.


(d) In hawiye iyo loo kala baxo Al-Shavaab.


Hawiye Oo ka Xanaaqay Caasimadda Hargeysa Loo Rarayo.


(1) Shariif Xasan Iyo Xasan sheekh, oo ogaaday sirta ka dambaysa? Tegista Hargeisa ee Farmaajo, in ay tahay rarista Xamar ee loogu guuraayo Hargeysa.


(2) Xasan Sheekh Iyo shariif Xasan oo shiriyey Sakaadiinta, Boqoradda, Cuqaasha iyo Siyaasiinta Hawiye. Si wacana ugu sheegay arimaha uu qoolaayo farnaajo iyo wiilka murursade ( waa ka ay ku sheegaan ra'isal wasaaraha ee Khayr laawaha ahe) kuna adeegto ka Mareexaan ee farmaajo).


Maxay Faa'iido Helayaan Abiy Ahmed Iyo Itoobiya?


(1) In ay Itoobia markii ugu horeysa yeelato Xeeb ay kaga kaaf-toonto Cashuurtii lagaga qaadi jirey Jabuuti iyo Berbera.


(2) In xeeb loo helo abuuridda ciidanka badda ee itoobiya, taas oo uu bad waydiisan jirey Jabuuti iyo Maamul -Goboleedka Hargeysa ka dhisan.


(3) Abiy Ahmed isna waxa loo saxeexey in uu qaato xeebta Zaylac, halkaas oo uu ka dhisi doono deked la loolanta Jabuuti Asmara iyo Berbera.


(4) Wuxu mar kale oo labaad uu qaadan doona, Biladda Abaal Gudka Caalamka ee Nabadda ( International Nobel peace Prize).


Waxan ku soo qoofalay, qoraalkan, Labadda askari ee macangaga ah, bilaa maskaxdda u dhashay, xoolo doon mooyee aan wax kale kursiga u boobin, jaahi-liinta ah dhegaha xidhan, xumaanta mooyee aanu wanaagu deeqin, weliba sidaas cuqdad ku qaba aan dawo lahayn ( waaba ay ladnaan lahaayeen haday sidaas bilaa cuqdad ku noqon lahaayeene). Akhristaw hadda way ku soo xidhantay, al-baab ay ka baxaan iyo meel ay u kacaan mid-na ma laha, oo wuxu ka yahay habeenkii xalay oo dib u soo noqday. Somaliland waxa ugu dambaysay, markii Illaah caafimaad ha siiyo'e uu Xanuunsaday Madax-weyne Siilaanyo, ee Maxamuud Beenaale ( waa ka la yidhaaho Maxamuud Xaashiye, uu shidhka u galay), ilayn waa xaaraamiga ugu weyne, ee tuugta oo dhan u aabaha ahe. Sidaas awgeed, Kii Somaliland dani ka haysaw, waxay taagan tahay sarbeebtii ahayd " Tani ku dhaaf-taye maraqa cab". Somaliland waxa aasay oo iil ka yar u qoday Labadda askari iyo Tuuga ina Xaashi, ee iska ilooba magaceedda, waxay ku damabay-naysaa beri baa waxa jirey magac la odhan jirey " Somaliland.


* N.B Qudhaan-jooy Naa Ku quuso!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...