Maantana Xisbiyaan Furayaa waa UDUB haysii Fadhido Baarlamaanka!.
Dhanka kale khudbadii uu jeediyey Madaxweyne Muuse inteeda badnayd isagaa weedhihiisa wax isku yeelay ummadiina istusay se tan uu kaga dhawaajiyey inuu xisbiyadii furaayo, wakhtigeedii marka la gaadho waa lasoo wada dhaweynayaa si waafiya, se salaad walba wakhtigeedaa la tukadaa, Siddoo kale iyadoo jamacii oo faral ah lagu jiro sune lama tukado, siddaa laajigeed waynu wada ogsoonahay Baarlamaanka intay tiro leeg yihiin xildhibaano Xisbigii ay Golaha ku yimaadeen saaxada siyaasada ka baxay, waa labo meelood oo meel in ku dhow, waana CALOOSHOOD-USHAQAYSTAYAAL hada Golaha waxay ku fadhiyaan , ay Xukuumadu sifo sharciga baal marsan u adeegsato, xisbiyadii kasoo baxay axsaabtii ugu danbeeyey Cid magacooda kusoo baxday kuma jirto Golaha baarlamaanka, markaa siddee ayey caddaalad iyo Dumuqraadiyad u noqonaysaa isaga oo Golihii sharci dejinta iyo ansixintu oo aan ku salaysneyn axsaabta qaranka ee jirta wakhtigan xaadirka ah in qorshe Axsaab ku salaysan la horkeeno?! Siddee Bay se xildhibaano UDUB ah oo xisbigoodii ka jaqaafiyey saaxada siyaasada baarlamaanka u fadhiyi karaan iyada oo wadanku Xisbiyo qaran oo sharci ahi jiraan se iyagii Cid aanay u joogin?.
Xukuumadu qorshe aan suuro gal ahayn ayey qorsheesatay markay labada sano u kordhisay Xildhibaanada UDUB si marka ay tobankii sano buuxsamo tidhaa wakhtigii axsaabta la furaayey ayaa la gaadhay, si Xildhibaanadan UDUB ka hadheenkuna iyaga meesha u joogaan weligood, se Tolow Xisbiyada jira in qaar saqiiray wax u ansixiyaan ma yeeli doonaan?
Ilaahay ha sahlee xukuumadani tay keentaaba tii hore ka daran, xiisadan Muran ee komiishanku Halkuu ka sal dhigi waayey waa xildhibaanadan bugta ah ee wax ansixinaaya, Halkay jamhuuriyad barakaysan burbur u horseedi kartaana waa iyaga, halka doorasha in loo qabto u baahan waa baarlamaanka.
Hadal iyo dhamaan xisbiyadii hore ee tobon-jirsanaaya oo aan Golihii baarlamaanka ciddi u fadhiisan oo siyaasad dheeli tiran dalkii ka jirin iyo Gole Xisbiyada wada metela oo lagu wada kolsoon yahay, siddee Bay suuragal u noqon karaysaa in Xisbiyo kale lafuro? Waxan madaxwe Muuse baarlamaanka looga dhex mashxaraday ee wasiiradiisuna ugu sacabo tumayaan, wax kale maaha, Maantana Xisbiyadaan furayaa waa UDUB haysii fadhido Baarlamaanka iyo ila meerayso horleh.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!