Maxay muqdisho Habeenkii Maxey Ugu Egtahay Kuwaala-laambuur?

0
Friday February 21, 2020 - 19:41:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay muqdisho Habeenkii Maxey Ugu Egtahay Kuwaala-laambuur?

    Run ahaantii, nolol duruufaheeda leh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Run ahaantii, nolol duruufaheeda leh



Siganow?! Siganow?! Siganow?! Ma dadka ayaa maalintiina maalin ka dhiga, habeenkiina habeen? Maxaa ay Muqdisho habeenkii ugu egtahay Kuwaala-laambuur? Marka iftiinka iyo mugdigu is qabtaan, caadiyanba ilayska ayaa awood bata, dabadeedna sidaas baa lagu shiiqiyaa gudcurka xun ee laga cabsanayo, sidaasna lagu il-walacsadaa kaaha dayaxa ama danabka.

 

Run ahaantii, nolol duruufaheeda leh, sida halaqana loo noolyahay ayaa habeenkii ka jirta caasimadda dalka. Laakiin noloshaas ma ahan mid qof walba saamayn toos ah ku leh, haddana waxa ay ku leedahay mid dadban—Waxa ayse taabanaysaa dhowr boqol oo qofood—oo waayuhu u turaad waayeen, nasiibkuna taban taabi waayay. Sidee baad u muuqan lahayd haddii noloshaadu ku soo koobanto, jiif, xashiish, badeeco, sigaar, khamri iyo tumasho? Taasi sow ka turjumi mayso in aadan raalli ka ahayn joogitaanka koonka oo aad gubayso wax kastoo aad dareen lahayd? Sow maahid ruux aan ka warqabin waayaha is-gedgeddinaya, dabadeedna kolba wayci, duruuf ama qanaaco nololeed abuuraya?

 

Kawarran haddii aad habeen walba tumasho qaayibto? Himmadaadu sow ku bi’ mayso meel ba’an? Sow noloshaadu qallibmi mayso? Haddii aad wacallo dhasho, sow bulshada kuma aadan kordhin tuke baal-cad? Jeerkaasna adiga laftaadu sow maahid tukehaas ? Nolashaa hayaamaysa, kaacaa-degeysa ama kufaa-kecaysa sidee baad uga dhego, indho iyo dereen la’dahay? Wax walba waa la arkaa, laakiin wax walba loogama jawaab-celiyo sida ay yihiin.Siganoow?! Noloshaas weli adigu ma dhex dabaalatay? Safarkeennii xalay maxaa kaaga baxay? Aan dadka dhex geeyo bad dhanaan iyo birri qabow. Xalay saddex saac oo habeen nimo ayaan sidii ciidan kolonyo ah, bajaaj isku kooreynay!

 

Waxa aannu wada soconnay Bashiir Balcad, Farxiyo lama-filaan, Yaxye Sigane, Ugbaad, Ikraan Daahir, Shamso Cabdullaahi, Xawaari Safiyo Khaliif iyo saaxiibbo kale oo badan. Laakiin inteenna badan ujeedka aan meesha u nimid isku mid muu ahayn. Aniga, Bashiir Balcad iyo Sigane waxa aannu aad u doonaynay in uu habeenkani noqdo, habeen taariikhi ah, dhanka kale, waxa aannu go’aansannay in aan maqaalkan anigu qoro, saaxiibbaayna waa ay ila qaateen—si wax badan looga ogaado, hab-nololeedka habeenkii ee Muqdisho. Waxa aannu joognaa faaxda badda, waa guran oo biyihuwaxa ay ku egyihiin halka doomuhu yaallaan. Meel u dhow Biij Fiyuu –Beach View—ayaa ustaad Bashiir, Caynu-shamsi, Ikraan Daahir, Safiyo Qaliif iyo gabar kale iyo aniguba fadhinnaa.




 

Waxa aannu cabbaar ka sheekaysannay sheeko faneedda, gaar ahaanna aniga ayaa ka sheekeeyay oo intii aan ka garanayay saaxiibbada la wadaagay. Af-soomaaliga iyo qoraalka ayaannu haddana baabkiisa galnay oo cabbaar isla gorfeynay. Meesha dabeyl aad u sarreysa ayaa dhecaysa. Eeyuhu waa ay u adkaysan waayeen, dabadeed, derbiga hoteelka ayay isku aaddiyeen. Noole kale oo aan dad ahayn meesha ma joogo, isagana dhaxan qabow baa feeraha uga ufmaysa. Meesha baas ee qabowga badan kama tagno. Sheekada kama daalno. Dhagax baannu ku fadhinnaa, laakiin innaga ayaa ku dhib qabna. Dhagaxa ama adigu ka korreey, ama ha kaa korreeyo, labada jeerba adigaa dhibban—Hoos mar ama kor mar adiga lee dhaban—waaye sheekado.

Haddii qabowgii sii badanayo ayaannu gees u baxnay aniga, Sigane, Bashiir Balcad iyo Xawaari. Waxa aannu tagnay maqaayad meel gadaale ku tiillay. Waa meherad sawirro farshaxan ah oo aad u qurux badani ay ku xardhan yihiin. Miis ayaannu tagnay, isla markaana salka ayaannu dhulka la helnay. Casho ayaa aan dalbaynay, Muufo ayaan isla-dhacnay. Kolkii ay na deeqi waysay baan haddana saxan bariis ah dalbannay isagiina si xayi ah baannu uga murdinnay. Waxaa yaab lahayd, afarta nine e maqaayaddaa ka adeegaysay afartuba qaad baa ay canka ku hayeen, sigaarna qalbiga ayay ku gubayeen. Kan kushiinka ku jira, Qasnajiga, Kabalyeeriga iyo biyooluhuba waa ay wada baxsanaayeen oo marqaan daran baa ay ka lalayeen.

 

Waxa aannu joognaa laamiga, hablo iyo rag baa laamiga dhexdiisa laabta isku haya. Derbiga hortiisa, mid ayaa gabar ku faraynaya iyaduna waa ay u begaysaa. Qaryaalka/Marshabiyoodiga, mid xun oo naaso xun, oo surweel xun oo funaanad xun se wax kaleba aan xirnayn baa kaligeed ku niikinaysa, kaaga darane, hees dhegaysan mayso, lana maqli maayo wax hees ah. Bal adba sheeg waxa gabadha jirkeeda luxaya ma jin baa? Bajaajta guduudan agteeda, waxaa taagan gabar kale, horaaddo aad u xanaaqsan ayaa ku hor socda. Nin baa taleefoon ka soo wacaya, oo ku leh " Luuqa ayaan taagan ahay ee ii imow” iyaduna waxa ay leedahay " Hal doollar ka yar kaa yeeli maayo, xalay ayaa aad nus dollar xun igu cuntay xariif” hadalka aniga iyo Qoraa Bashiir Balcad ayaa si gaar ah u maqlayna.

 

Markii laga soo gudbo safaaradda Turkiga ee la soo galo xayndaabka badda, ilaa Safaaradda Jabbuuti waxaa si teel teel ah u taag taagan hal wiil hal gabar, hal wiil hal gabar, ……. Luuqyada mugdiga oo dhami waa ay buuxaan. Caadiyanba dadka xeebta yimaad waa saddex qayb.



Qaybi waa hal abuurro, raba in suugaantu ka soo maaxato, ama qoraayo raba in ay wax ka ogaadaan sideenna. Ganacsato iyo milkiileyaal go’aan ganacsi ama nololeed gaaraya, dad shaqo ku daalay oo xeeliga badda ku noqnoqonaya ama fadhiya si ay hawo u qaataan. Qaybi waa marqaam cirka lalaya oo qaaraamigu sido. Qaarna waa cabtooy, dhillooyin iyo dhillayo, sharmuudyo iyo sharmuutooyin aan war iyo wacaal u hayn dunida dhabta ah. Qiyaali baa sida oo dhulkaba ma joogaan, waxaana ay joogaan baararka soke, luuqyada iyo laamiga hareerihiisaba—kuwaan danbe ayaa ah kuwo magac xumaynaya Liido oo dhan, saxna ma ahan in Liido ay tagaan dad xun oo kaliya. Meelaha qaar Qamri ayaa bajaaj lagu kala dhex iibsanayaa, xashiish baa lagu jiidayaa, calaqna waa lagu cabbayaa.



 

Maqaayad kore ayaannu Kobbashiin ka soo qaadannay dabadeedna waa aannu soo baxnay. Dadka qaarkii oo aad u daallanaa waxa ay raaceen baabuur, halka aniga, saaxiibkay Bashiir, Sigane iyo Xawaari annu soo lugaynay. Sheeko ayaannu laba labo iskula jeesannay, kolkaas baannu hilmaannay in aannu wada soconnay. Aniga iyo Bashiir si gaar ah baa ay isugu kaaya bexaysay, mar kastana waa ay isugu kaaya baxdaa. Waxyaabaha aan aragnay waxaa ka mid ah in aannu mari waynay waddada hormarta madaxtooyada oo aan habeenkii mukulaal iyo eey mooyee noole kale loo oggolayn. Mar aannu maraynay madxafka qaranka derbigiisa ayaannu ku istaagi gaarnay nin jiifa waddada qarkeeda. Soddon jir buu ahaa qiyaas ahaan, rag kale ayaa iyaguna si darxumo ah u jiifay gidaarka, waxa aan niyadda iska waydiiyay, waxa kala duway soddon jirka ila socda –Waa Bashiir Balcade—iyo soddon jirk meesha ku darxumaysan, dabadeed waxa aan ogaaday in waayuhu sidaan u samaysan yihiin, nasiibka iyo calafkuna aannay meesha ka marnayn.

 

Sheeko ayaa noo baxday, dabadeed mar dambe ayaannu nimid maqaayad u dhow Haayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha. RIYAAQ OO WADAAG—LIKE AND SHARE— baa la yiraahdaa, waa maqaayadda kaliya ee sidii loo furay aan la xirin, habeen iyo maalinna waa isugu hal. Halkaas ayaan shaah iyo sheeko, taariikh iyo suugaan. Fan iyo madadaalo u fariisannay, dabadeed si fiican ugu kala bogannay. Salaaddii subax ayaa la addimay, mar danbe oo aqinkii dhow yahay baa Sugaal Ali Ayaanle, gaari furaha noogu rogay. Waddada ayaannu qabannay, nin kastana halkii uu rabay ayaa la gaarsiiyay. Aniga iyo Sigane ayaa isu soo harnay, masaajid baannu tagnay. Salaad sunno ah baannu tukannay, waxaan Alle si wada jir ah uga barinnay in uu dhibta iyo dhaqan xumada soo badanaysa naga haayo. Masaajidkii waa annu ka tagnay.

 

Sheekh Cali Suufi ayaannu go’aansannay in aan salaad ku dukanno. Intii aannu sii soconnay ayaannu go’aasannay in daah furno SILSILAD QORAALEEDmug wayn oo ka hadlaysa, wacyiga jira. Waxa aannu silsiladdaas u bixinnay " WAAYEHENNA” taas oo lagu faaqidi doono DHAQANKA, TAARIIKHDA, SUUGAANTA, DAGAALLADA, SIYAASADDA, XORNIMADA iyo guud ahaan wax kastoo dandarrooyin iyo duruuf na haysata ah. Ugu danbeyn silsiladdu si toos ah ayaa ay noogu furantahay, qalin maal kasta ayaana ka qayb qaadan kara. Waxa aan ku soo af-meerayaa. DHaqankeennii Samaa, beryahaan wuu suuxsanyoo, si buu isu dooriyee maxaa Siganow ku helay? Sidaadaba ma ka warqabtaa, waciyaga umaddu muquuranayso?Dhaqan kaliya maahee maxaad dhaliil iyo dhibba aragtaa? Siganow?! ma tii xalay? oo lagu daray faderaal, qabyaalad, gumaysi, sad bursi, kala bursi, isla bursi iyo isku bursi ayaannu u joogi karnaa? Tiiyoo ay noo dheertahay rafaad iyo raaxo yari lagu daray qarax, boob iyo is-quursi qaan gaaray.


W/Q: Cabdisalaan "Ceeryaamo”

Muqdisho, Soomaaliya

Jimco Feb- 2020

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...