Gudoomiye Faysal Oo Dhaliilay Siyaasiyiinta Ku Tartamaya Kulmiye, Xukuumada Muuse Biixi Iyo Jawaab Uu Ka Helay Siyaasi Maxamuud Xaashi

0
Friday February 21, 2020 - 18:18:42 in News by
  • Visits: 2735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Faysal Oo Dhaliilay Siyaasiyiinta Ku Tartamaya Kulmiye, Xukuumada Muuse Biixi Iyo Jawaab Uu Ka Helay Siyaasi Maxamuud Xaashi

    Gudoomiye Faysal Oo Dhaliilay Siyaasiyiinta Ku Tartamaya Kulmiye, Xukuumada Muuse Biixi Iyo Jawaab Uu Ka Helay Siyaasi Maxamuud Xaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Faysal Oo Dhaliilay Siyaasiyiinta Ku Tartamaya Kulmiye, Xukuumada Muuse Biixi Iyo Jawaab Uu Ka Helay Siyaasi Maxamuud Xaashi


Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay tartanka loogu jiro gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee u dhaxeeya Maxamuud Xaashi iyo Maxamed Kaahin.

Image result for maxamuud xaashi iyo faysal cali waraabe


Gudoomiye Faysal oo ka hadlayey munaasibadii lagu soo bandhigayey buugii labaad ee uu qoray hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu dhaliilo huwiyey xisbiga talada haya ee kulmiye isaga oo siyaasiyiinta ku tartamayana ugu baaqay inay kala hawl galaan sidii ay ula badbaadin lahaayeen dalka oo uu sheegayinuu xaalad halis ah marayo.


Gudoomiyaha xisbiga Ucid ayaa dhaliishaasi ka dib jawaab ka helay siyaasi Maxamuud Xaashi oo isaguna madashaasi ku sugnaa.


Ugu horayn gudoomiye Faysal oo ka hadlaya tartanka loogu jiro xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay "Maalin dhawayd ayaan daawaday Maxamuud Xaashi oo dhalinyaro casuumaya hadana waxaan daawaday Maxamed Kaahin oo dhalinyaro casuumaya markaas ayaan idhi qoladaasi waxay ku jirtaa ismaan dhaafkii gasariirinta ee habarjeclada.”


Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeeyey xisbiga kulmiye waxaanu yidhi "Markii uu kulmiye yimid dastuurkii halkaas ayaa layska dhigay, qoladan ismaandhaafka ku jirtana waxaan leeyahay meel loo tartamaa ma jirtee horta aynu dalka bad baadino, xisbigii kulmiyena ma jiree dalkii ayaa khatar ku jir oo kursigana idinka ayaa saaray ninkan Muuse ee kaalaya nala qabta.”


Dhinaca kale siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa jawaab ka bixiyey dhaliilaha gudoomiye Faysal waxaanu yidhi "Faysal waa saaxiibkay oo waan aqaanaa aragtida iyo xasuustu way ka dhaxaysaa, isaga oo jiiro ka saaraya hadii uu halkaas ka halacsado wuu ku daraa, hadii uu nagu soo dacal dhabayna waxaan leeyahay xisbiyadana waa lagu tartamayaa gudahooda oo dimuqraadiyad ayeynu doonaynaa, qarankana waa lagu tartamayaa waxaana waajib inagu ah inaynu si nadiif ah u tartano, xisbiyadana tartanka gudahooda ka socda waa inuu noqdaa mid togan oo nadiif ah, loolanka togana laguma coloobo layskumana ciil qabo laakiin ka taban ee xisbiyada ka dhexdooda iyo qarankaba waa lagu coloobaa.”


Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale meesha ka saaray doodaha lagu dhaliilo somaliland waxaanu yidhi "Anigu ma taageerayo dooda odhanaysay waxba maynaan korodhsan sodonkii sanadood oo dib ayeynu u sii soconaa, waxaan leeyahay waxbaa inaga xun oo ma dafirayo in caqabado inala daris yihiin waxna inaga xun yihiin laakiin qolada mucaaridka ah waxaan leeyahay waar xaga durka uun wax haka eeginee xaga daabacana wax ka eega.”


Sidoo kale siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa soo bandhigay waxyaabaha lagaga bixi karo caqabadaha somaliland haysta "Caqabadaha ina haysta waxaynu kaga bixi karnaa tallo adag, wada tashi, run, doodo, xigmad iyo hadal walba hoostiis ayuu leeyahay.”


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...