Maxaa ka jira in Madaxweyne Xaaf uu la Heshiiyay DF & Xog laga helay?

0
Friday February 21, 2020 - 17:41:43 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1316
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka jira in Madaxweyne Xaaf uu la Heshiiyay DF & Xog laga helay?

    Saacadihi la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey Warar sheegaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacadihi la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey Warar sheegaya



Maamulka Galmudug Ee Garabka Madaxweyne Axmed Ducaalle Guulle Xaaf ayaa Riyo been Ah Ku Tilmaamey Warar ay sheegeen inay Baraha Bulshada ay ku Faafiyeen Xubnaha Xoogaga Wadaniyiinta ee Villa Soomaaliya kuwaasi oo ahaa in Madaxweyne Axmed Ducaalle uu ka Tanaasulay Maamulkii dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug,islamarkaan uu tagayo Magaalada Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo Caleema Saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Afhayeenka Madaxtooyada Galmudug ee Garabka Madaxweyne Xaaf, Maxamed Xasan Sahal (faynuus) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga Xun yihiin Wararka ka soo baxaya Villa Soomaaliya oo lagu Marin habaabinayo Bulshada Galmdug,waxaa uuna sheegay Madaxweyne Xaaf uusan tagi doonin Magaalada Dhuusamareeb oo uu xusay inay u Afduuban tahay Dowladda Federaalka




HALKAAN GUJJI OO DAAWO


Afhayeenka ayaa Xusay inay Aqoonsaneyn Maamulada ka dhisan Magaalada Dhuusamareeb asaga oo intaas hadalkiisa sii raaciyey in Madaxweyne Xaaf uu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee sii heyn doona Xilka ilaa uu Waqtigiisu Dhamaado.

Dhankale Afhayeenka Madaxtooyada Galmudu ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan Muunaasabad Caleema saar ah ku qaban Karin Magaaladaa Dhuusamareen Maadaama Ahalusunna ay wax ka Maamusho waxaana intaas ku sii daray in dhamaan dhaqdhaqayada Dowladda ay Galmudug ka wado ay kuwa sharci daro ah.

Saacadihi la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayey Warar sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu Wada hadal kula jiro Dowladda Soomaaliya islamarkaan lagu qanciyey in uu Tanaasulo Maamulkiisa Magaalada Gaalkacyo hadalkaasi oo ay Madaxtooyada Gaalkacyo ku tilmaantay mid ah Riyo been ah oo lagu Marin Habaabinayo Shacabka Gobalka mudug.

Loading...
Loading...