Dawlada Belgium Oo Shaaca Ka Qaaday Qaybo Ka Mid Ah Baasaaboorka Soomaaliya Oo Aqoonsatay

0
Tuesday April 02, 2019 - 06:41:56 in News by
  • Visits: 2134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Belgium Oo Shaaca Ka Qaaday Qaybo Ka Mid Ah Baasaaboorka Soomaaliya Oo Aqoonsatay

    Dawlada Belgium Oo Shaaca Ka Qaaday Qaybo Ka Mid Ah Baasaaboorka Soomaaliya Oo Aqoonsatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Belgium Oo Shaaca Ka Qaaday Qaybo Ka Mid Ah Baasaaboorka Soomaaliya Oo Aqoonsatay


Nairobi(HWN):-Dawlada Belgium ayaa shaacisay inay aqoonsatay baasaaboorka dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Qoraal lagu baahiyey boga Twitter-ka ee safaarada dalka Belgium ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in dawlada xarunta u ah midawga yurub ay si rasmi ah u shaacinayso inay aqoonsatay baasaaboorka shaqaalaha iyo kan dublamaasiga ah ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Image result for belgium and somalia


Warka qoraalka ah ee lagu baahiyey boga ay Twitter-ka ku leedahay safaarada dalka Belgium ee magaalada Nairobi ayaa lagu yidhi "Safaaradu waxay ay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in laga bilaabo maanta ay dawlada Belgium aqoonsatay baasaaboorka dublamaasiga ah iyo kan shaqaalaha ee soomaaliya.”


Sidoo kale warar ka soo baxay dublamaasiyiin soomaali ah ayaa xaqiijiyey in baasaaboorada ay dawlada Belgium aqoonsatay yihiin kuwii la sameeyey wakhtigii ka dambeeyey sanadkii 2014, iyada dawlada Belgium ay mar kale qorshaynayso inay go’aan kale ka qaadato baasaaboorka caadiga ah ee soomaaliya marka la gaadho 2020-ka.

Loading...
Loading...