HRW oo Kenya ku eedeysay in ay kordhisay dilalka sharciga ka baxsan

0
Friday February 21, 2020 - 17:13:48 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 827
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HRW oo Kenya ku eedeysay in ay kordhisay dilalka sharciga ka baxsan

    Mid ka mid ah dadkaas ayaa la dilay bishii tagtay intii uu socday dibad-bax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah dadkaas ayaa la dilay bishii tagtay intii uu socday dibad-bax



Booliska Kenya ayaa ugu yaraan sideed qof toogasho ku dilay xaafadaha isku raranta ah ee Nairobi, labadii bil ee tagtay, ayaga oo jebinaya sharciga isticmaalka awoodda, waxaa sidaas sheegtay hay’adda xuquuqda aadanaha Human Right Watch (HRW).

 

Warbixintan cusub ayaa imanaysa ayada oo saraakiisha ay sheegeen inay ka go’an tahay inay dhammeeyaan ficillada noocan ah.

 

Dhibanayaashii ugu dambeeyey ayaa ahaa dhallinyaro kasoo jeeda xaafadaha dadka saboolka ah, kuwaas oo ay meel dhow ka toogteen saraakiil, sida ay sheegtay hay’adda fadhigeedu yahay New York.

 

Mid ka mid ah dadkaas ayaa la dilay bishii tagtay intii uu socday dibad-bax ka dhacay xaafadda Kasarni, oo la xiriiray xaaladda liidata ee waddooyinka.

 

Goobjooge ayaa u sheegay Human Right Watch in 19 jirkaas uu u socday shaqo markii uu la kulmay dad ka cararaya booliska.

 

Ninkan ayaa jilbaha dhigtay kadibna ka codsaday booliska inay u ogolaadaan inuu gudbo hase yeeshee booliska ayaa xabadka ka toogtay, sida uu sheegay goobjoogaha.

 

Booliska Kenya ayaa sheegay inaysan isticmaalina wood xadgudub ah.

 

"Waxaan haynaa kiisas saraakiil boolis oo dil gaystay…waa la xiray waxaana maxkamad horteeda loogu soo oogay dambiyadii ay geysteen,” waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska Charles Owino oo la hadlay Reuters, isaga oo ka jawaabaya warbixinta Human Rights Watch.

 

Warbixin ay booliska daabaceen sanadii tagtay ayay ku sheegeen in ciidamada ay ku guda jiraa hanaan ay ku noqonayaan "kuwa dabacsan oo dadka u adeega”.

 

Warbixinta Human Rights Watch ayaa sidoo kale shaacisay dhacdo kale oo booliska ay afar dhallinyaro kala baxeen xarun lagu hayo caruurta, kadibna ay toogteen laba ka mid ah, oo ay ku eedeeyeen inay dambiilayaal yihiin, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen HRW.

 

Dilalkan ayaa imanaya ayada oo ay jirto carro ka dhalatay arxan-darrad booliska iyo guul-darrada dowladda ee ah inay la xisaabtanto saraakiisha, inkasta oo ay jirto hay’ad boolis oo la socota xadgudubyada oo hesha malaayiin dollar oo deeq dibadeed ah.


Loading...
Loading...