Wasiirka Waxbarshada Dalka Oo Amaro Soo Saaray

0
Friday February 21, 2020 - 17:03:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarshada Dalka Oo Amaro Soo Saaray

    Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri



War kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu faray Bahda Waxbarashada oo ay ugu horeeyaan Dalladaha, Maamul Goboleedyada iyo Dugsiga Dalka in ay xogtooda kusoo gudbiyaan Xogta aan daabacneen ee (Online Database) oo ay kuwada shaqeynayaan.

Sidoo kale Wasaaradda sheegtay in ay joojisay in Dugsiyada laga soo qaado warqad ama Foomam Arday leeyahay oo sanadadii tagay la isticmaali jiray.

 

Dhanka Dalladaha waxa ay Wasaaradda Waxbarashada XFS fartay in ay ka sugeyso Tix ama Liis Arday oo Shabadeysan oo dugsi dugsi u xiran.

 

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri "Wasaaraddu guud ahaan waxay joojisay in dugsi laga soo qaado warqado ama foomam arday leeyahay oo sanadyaddii tagay la isticmaali jiray, Wasaaraddu Dalladaha waxay ka sugaysa Tix ama Liis arday oo shabadaysan oo dugsi dugsi u xiran, Waxaa nidaamkan lagu bilaabay Gobolka Banaadir oo ilaa hadda 75% dugsiyadu si wanaagsan u wadaan shaqadaā€¯.

 

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya waxa ay tilmaamtay in aanu jiri doon hal arday iyo hal dugsi oo ka maqnaan doono nidaamka cusub ee Wasaaradda.




Loading...
Loading...