Duqa Muqdisho Oo Amar Dul-Dhigay Guddoomiyaasha Degmoyinka Gobolka Banaadir

0
Friday February 21, 2020 - 16:46:20 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 839
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Amar Dul-Dhigay Guddoomiyaasha Degmoyinka Gobolka Banaadir

    Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab



Shirka Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaana shirkan looga hadlay arrimo kala duwan o ay ka midyihiin amniga iyo nadaafadda gobolka Banaadir.

 

Shirkaan ayaa waxaa shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) waxaa looga hadlay shirka Dardar galinta Aminiga Magaalada Nadafada iyo kordhinta dakhliga dalka oo dhamaantood qeyb ka ah horomarka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Carab boo faahfaahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulanka ayaa sheegay in aad looga dooday in laga wada shaqeeyo sidii xoolaha magaalada lagusoo daayo loo geyn lahaa xarunta baadi qabadka oo dhawaan dib loo howlgeliyay.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa faray guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in ay si hufnaan leh ay u gutaan waajibaadkooda shaqo kana shaqeeyaan arrimaha hor tebinta leh ee uu ugu horeeyo amniga caasimadda.

 

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday sidii dhismayaasha sharci darada ah ee laga dhisto waddooyinka magaalada Muqdisho waxaana maamulku uu sheegay in arrintaas aan oo dul qaadan doonin.


Loading...
Loading...