Afafka Aan Xuduudda Lahayn
Dadka Afsoomaaliga ku hadla waxa ay ku kala nool yihiin dalalka Somaliya, Kiiniya, Jabuuti, Itoobiya iyo Somaliland. Intaa waxa sii dheer jaaliyada Soomaalida ee ku filiqsan meelo badan oo dunida ka mid ah. Waa dad isku af ah hadda na kala hoos taga dawlado kala duwan. Taasi waxa ay afka ku keentay hagardaamooyin dhawr ah; sida in deegaan ba sidii la qummanaata ay u qortaan Afsoomaaliga. Waxa kale oo ay keentay in ay adkaato in la dhiso guddi Afka qabya-tirta. Af Ingiriisigu lahjado kala duwan ayaa uu leeyahay balse marka ay qoraal noqoto isku si ayaa loo qoraa. Carabiga waa la mid. Waxaa horyaalla dhammaan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee dhinaca Afka iyo ciddii kale ee danaynaysaba in ay ka bedka keenaan ama isu raacaan aragtiyaha midaynta qoraalka Farsoomaaliga ee hore loo soo jeediyay.
Dhibaatada xagga dhawaqa waxa aragtiyo wax ku ool ah hore u soo jeediyay aqoonyahanno ay ka mid ahaayeen: AHN Dr Yaasiin C. Keenadiid, Ciise M. Siyaad, Agostini Francesco, Annarita Puglialli. Dhinaca naxwaha waxa aragti qiima badan, sida isku xidhka erayada ee loo yaqaano (Liaison) soo jeediyay Aqoonyahan Axmed M. Sulaymaan Shiraac. Waana ay jiraan deddaalo shakhsiyadeed oo badani haddii se aan wax la isla qaadan lagana guulsaysan qoqobka ay xuduudahaasi keeneen Afku sidaas ayaa uu qabyo u ahaanayaa.
Waxan soo jeedinayaa in qabyada afka meel looga
soo wada jeesto sidii loo dhammays tiri lahaa loona samayn lahaa xeerar la isku
waafaqsan yahay.
W/: Maxamed Cabdi Calihayaan
Jaamacadda Hargeysa
Hargeysa, Somaliland.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!