Agaasime Ka Hadlay Dagaal La Sheegay Inuu Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland
Muddooyinkii u dambeeyay waxa jiray warar ku saabsan in agaasimaha iyo wasiirka khilaaf u dhexeeyo waxaana jirtay in agaasimaha laga joojiyay in uu cid u qoro shidaal.
Agaasimaha ayaa iftiimiyay in khilaaf u dhexayn karo isaga iyo wasiirka laakiin, aanay arrintu gacan ka hadal gaadhin ” Wax Dagaal ah oo na dhexmaray wasiirka iyo wax xumaan ah oo dagaal ah oo na dhex taallay midna muu jirin laakiin, kollay si xun wax u sheeg sixir ka daran, shaqo marka la joogo ee la shaqaynayo waxa laga yaaba labada qof sidaa maaha iyo sidaynu u wadna iyo sidaynu u socona noqoto laakiin, Wasiir Saleebaan Cali Koore oo 28 sanno wasiir ahaa iyo aniga oo 7 sanno agaasime ahaa xilka iyo masuuliyadda aanu hayno dagaal gacan ka hadal ah suuro gal kama aha mana dhicin,” ayuu yidhi Agaasimuhu