Xukumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Wefti Itoobiyaana Oo Ku Sugan Hargaysa

0
Friday February 21, 2020 - 08:28:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Somaliland Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadashay Wefti Itoobiyaana Oo Ku Sugan Hargaysa

    Hargaysa (HWN) Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in weftiga dawladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (HWN) Xukumadda Somaliland ayaa sheegtay in weftiga dawladda
Itoobiya ee wasiirka maaliyadda Mudane Axmed Shide hoggaaminayay aanay wax culays ah ku saarayn sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa.



Wasiirka warfaafinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa BBC-da u sheegay in weftigu u socday arrimo ku saabsan dekedda Berbera iyo jidka Berbera Coridor, islamarkaana aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka.


Wasiirka oo la waydiiyay in weftiga Itoobiya culays ku saarayay sidii Farmaajo u iman lahaa Hargeysa ayaa yidhi "Wax allaale wax arrintaa ka jiraa ma jiro. Dawladda Somaliland iyo dawladda Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh aad u dhaw oo degaan ahaan iyo dal ahaan aan kala maarmin, waxa laga wada hadlayay danaha guud ee umadda Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeya haddii ay tahay ganacsi, DP World iyo Berbera Coridor waxaana cad oo meel looga leexdo lahayn in madaxweynaha Somaliland laba cisho ka hor sheegay mawqifka Somaliland taaggan tahay marka meel wasiir wax ka odhan karo way dhaaftay goleyaasha ayuu madaxweynuhu u sheegay siyaasadda Somaliland halka ay taaggan tahay iyo waxa umadda Somaliland rabto.

Weftiga ayaa la sheegay in uu maanta dib u laabtay iyada oo aanay xukumaddu wax war ah ka soo saarin cidda la kulantay waxyaabaha ka soo baxay.


Loading...
Loading...