Madaxweyne Farmaajo Oo Meel-Mariyey Sharciga Doorashooyinka Somaliya

0
Friday February 21, 2020 - 08:05:31 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Meel-Mariyey Sharciga Doorashooyinka Somaliya

    Muqdisho, Febaraayo 21, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, Febaraayo 21, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka.



Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada Soomaaliyeed ee soo diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo himilada shacabka Soomaaliyeed.


"Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad dooneysaan.”


Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.


"Waxaan ku guuleysanay xoojinta wadashaqeynta Dowladda dhexdeeda iyo midda aan la leenahay shacabkeenna, iyadoo aan caddeynay sida ay u kala madax-bannaan yihiin Hay’adaha dastuuriga ah. Waxa ay keentay wada-shaqeyntu in Baarlamaanku ay ansixiyeen 20 sharci, taas oo muujineysa in ay ka duwan yihiin dhammaan Baarlamaannadii hore.”


Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka 10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu.


Munaasabaddan oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka ayaa inta ay socotay, waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdirixmaan, halka Hoballada Qaranku ay soo bandhigeen suugaan isugu jirta wacyigelin, dardaaran iyo dhiirri gelin.


DHAMMAAD

 

Loading...
Loading...