Maxay Yihiin Waxyaabaha U Gaarka Ah Diyaaradda Uu Ku Safro Madaxweynaha Mareykanka?

0
Friday February 21, 2020 - 07:55:43 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Yihiin Waxyaabaha U Gaarka Ah Diyaaradda Uu Ku Safro Madaxweynaha Mareykanka?

    Sida ku qoran bogga Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, diyaaradda khaaska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ku qoran bogga Aqalka Cad ee dalka Mareykanka, diyaaradda khaaska
ah ee Madaxweynaha Mareykanka ee loo yaqaano Air Force One waa diyaarad u diyaarsan in ay u safarto meel walba oo kamid ah dunida wakhti walba.



Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeing 747-200B ayaa ah mid casri ah oo si gaar ah loogu nashqadeeyay Madaxweynaha talada haya ee Mareykanka, waxaana sumadeedu tahay VC-25A.


Diyaaradda oo laba xaba ah ayaa mid kamid ah waxaa raaca Madaxweynaha, halka mida kale ee la midabka ahna ay marwalba garab socoto. Qeybaha bannaanka ee diyaaradda ayaa waxaa ku xardhan calamaada Madaxweynaha, magaca dalka Mareykanka iyo calanka waddankaasi.


Diyaaradda ayaa waxay awood u leedahay inay shidaal ku qaadato hawada sare, waxaana ku rakiban qalab elektroonik ah oo loogu talagalay in uu ka difaaco waxwalba oo diyaaradda soo ridi kara.


Telefishenka ABC News oo dhowr sano kahor fursad naadir ah u helay in uu kasoo warramo gudaha Air Force One ayaa sheegay in sidoo kale ay diyaaraddu ku rakiban yahay qalab isgaarsiineyd oo casri ah oo ay adag tahay in la dhageystay, taas oo diyaaradda u sahli karta inay xarunta dhexe ee taliska dalka Mareykanka la hadli karto haddii dalka la weerarro.


Gudaaheeda ayaa waxaa uu dhan yahay 400 oo iskuweer ah, waxayna leedahay qeybo kala duwan oo ay kamid yihiin musqulo, qolalka shirarka iyo dhakhaatiir si joogta ah marwalba u saaran diyaaradda.


Air Force One waxaa kale oo ay leedahay maqaayad aad u weyn oo hal mar ay wax ka cuni karaan boqol qof, waxaana ka shaqeeya in ka badan 20 cunto kariyeyaal oo qaarna ay saaran yihiin diyaaradda, qaarna cuntada diyaariya kahor inta aanay diyaaradda hawada gelin.


Sidoo kale diyaaradda ayaa waxay leedahay goob loogu talagalay dadka marwalba la safra Madaxweynaha oo ay kamid yihiin lataliyeyaashiisa sarsare, ilaalada Madaxweynaha Mareykanka, weriyeyaal dhan 13 oo ka kala socda warbaahinta ugu waaweyn caalamka iyo martida kale ee la saaran diyaaradda.


Kahor inta uusan safrin Madaxweynaha, waxaa kasii hor-baxa diyaarado kale, kuwaas oo qaada waxyaabaha uu u baahan yahay , sida baabuurta uu ku isticmaalayo halka uu u safri doonaa iyo wixii la midka ah.


Diyaaradda ayaa waxaa gacanta ku haya oo marwalba dayactira milateriga gaarka ah ee Aqalka Cad, waxaana marwalba oo ay diyaaradda safar gasho ka dhex shaqeeya 26 shaqaala ah.

Sida ay sheegtay warbaahinta CNBC, diyaaraddan khaaska ah ayaa waxay awood u leedahay inay qaado 100 qof.


Gudaha diyaaradda waxaa ku dhex-yaala qolal uu seexdo Madaxweynaha, xafiisyo, qolalka shirarka, musqulo qubeys, goob jimicsi iyo xafiisyada shaqaalaha sarsare ee Aqalka Cad.


Qeybaha kala duwan ee gudaha diyaaradda waxaa ku rakiban 20 telefishen oo laga daawan karo telefishenada caalamka ugu waaweyn. Dheerarka diyaradda ayaa gaaraya 232 oo mitir, halka balashaeedana ay dhan yihiin 195 mitir.


Gudaha diyaaradda, waxaa ku yaala isbitaal lagu la tacaalo xalad walba oo caafimaad oo lasoo darista dadka diyaaradda saaran oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha, waxaana halkaas ku diyaar ah dhakhaatiir gaar ah oo khibrad sare leh.


Shaqaalaha cunto karinta ee saaran gudaha diyaaradda waxay cunto u diyaarin karaan dad gaaraya laba kun oo qof.


Air Force One waxaa lagu nashqadeeyay oo ku rakiban qalab aan la jabsan karin oo loogu talagalay ammaanka Madaxweynaha iyo xiriirka qeybta hagista diyaaradda.


Sidoo kale diyaaradda khaaska ah ee mas'uulka ugu sareeya Mareykanka waxaa ku dhexyaala 85 taleefoon oo uu Madaxweynaha ku wici karo meelwalba oo adduunka ah inta uu hawada ku jiro.


Daaqadaha diyaaradda waxay ka sameysan yihiin dhalo aan xabadda karin, albaab walba oo diyaaradda looga baxana waxaa ku rakiban jaraanjaro u gaar ah, umana baahna in bannaanka looga keeno jaraanjaro si lamid ah diyaaradaha kale ee adduunka.


Gaadiidkan uu isticmaalo Madaxweyaha ayaa waxaa ku rakiban yihiin qalab casri ah oo iska cabin kara haddii lasoo weeraro inta ay hawda ku jirta iyo raadaar khalkhal gelin kara waxwalba oo soo weerara.


Qaab dhismeedka ay ka sameysan tahay diyaaradda ayaa ah mid aad u adag oo xita iska celin kara haddii dhulka looga soo weerarro hubka niyukliyerka.


Marka laga soo tago duuliyeyaasha diyaaradda, waxaa sidoo kale marwalba Air Force One la socda injineero hadba la socda xaaladda diyaaradda.


Air Force One ayaa ah astaan muujineysa awoodda siyaasadeed ee Mareykanka, waxaana Madaxweynaha hadda talada haya, Donald Trump uu dalbaday in la sameeyo laba nooc oo cusub oo ah diyaaraddaasi ah, oo ku kacaya lacag dhan 3.9 bilyan oo dollar.


Trump ayaa bila kahor shaaca ka qaaday naqshadda cusub ee diyaaradaha Air Force One. Naqshadda cusub ee diyaaradahaasi ayuu madaxweynaha soo bandhigay xilli uu wareysi siinayay telefishinka ABC ee dalkaasi Mareykanka.

 

BBC

Loading...
Loading...