Maxkamada Sare Ee Maraykanka Oo Amar Ka Soo Saartay Qaabka Loo Fulinayo Xukunada Dilka Ah

0
Tuesday April 02, 2019 - 06:37:21 in News by
  • Visits: 1912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Sare Ee Maraykanka Oo Amar Ka Soo Saartay Qaabka Loo Fulinayo Xukunada Dilka Ah

    Maxkamada Sare Ee Maraykanka Oo Amar Ka Soo Saartay Qaabka Loo Fulinayo Xukunada Dilka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Sare Ee Maraykanka Oo Amar Ka Soo Saartay Qaabka Loo Fulinayo Xukunada Dilka Ah


Maxkamdda sare ee dalka Maraykanka ayaa xukuntay in qofkii dil gaystay ee sugaya in la daldalo aanu xaq u lahayn in loo dilo "qaab aan xanuun badan lahayn".

Xukunka ayaa kala caddeeyey qaabka loo khaarajinayo Russell Bucklew, oo dalbaday in lagu dilo gaas halkii lagu dili lahaa cirbadda sunta ah sababo la xiriira xaalad caafimaad.

Bucklew ayaa lagu xukumay dil sanadkii 1996, sababo la xiriira kufsi, dil, afduub iyo weerar uu u gaystay saaxiibaddiisii hore iyo saygeedii cusbaa iyo wiil lix jir ahaa.

Dhagaysiga dacwaddiisii ugu dambaysay, ayaa Bucklew waxa uu dalbaday in aan lagu dilin cirbadda sunta ah ee dadka lagu khaarajiyo sababo la xiriira jirro uu tan iyo yaraantiisii qabay, lagana yaabo in cirbaddaasi ay u keento xanuun xad dhaaf ah marka la dilayo.

Xaaladdaas caafimaad ayaa keenaysa in ninkaas uu dhiig kaga furmo hunguriga, qoorta iyo wajiga, arrintaas oo uu sheegay in ay jirkiisa dhibaato iyo xanuun aan xad lahayn u keenayso marka la khaarajinayo.

Sida uu sheegay Bucklew, waxa uu dareemi doonaa xanuun xad dhaaf ah haddii loo dilo qaabka ay dawladdu door bidayso ee ah in cirbad lagu dilo.

Hase ahaatee garsooreyaasha maxkamadda sare ee muxaafidka ah ayaa Isniintii sheegay in ay arrintaasi ay tahay marmarsiiyo lagu hor istaagayo sharciga.

Waxa ay sheegeen in qofka maxbuuska ah laga rabo caddayn ku qaaddan qaab kale oo lagu khaarajin karo "oo yaraynaya khatarta ka dhalan karta xanuunka ba'an". Hase ahaatee maxbuuskaas aanu sidaas samayn.

Warqad uu qoray, garsoore Neil Gorsuch ayuu ku sheegay in Bucklew uu xukunka dilka ah sugayey in kabadan 20 sano.

"Dib u eegistii sideedaad ee dastuurka Maraykanka ayaa mamnuucaysa qaababka khaarajinta ee naxariis darrada ah, balse taasi maxbuuska uma damaanad qaadayso geeri bilaa xanuun ah". Sidaas waxaa qoray garsoore Gorsuch, oo madaxweyne Trump uu magacaabay sanadkii 2017-kii.

Garsooreyaasha Liberal-ka ee qaybta ka ah maxkamaddaas, oo uu kamid yahay garsoore Stephen Breyer, ayaa codsaday in xaaladda Bucklew ay tahay in loo oggolaado in lagu khaarajiyo gaaska nitrogen, oo ah qaab maxaabiiskta lagu daldalo oo ka jira saddex maamul goboleed.

Kiis kale oo ka dhacay gobolka Alabama, ayaa nin Muslim ah waxaa laga mamnuucay in loogu yeero imaamka masaajidka si uu ula joogo marka la khaarajinayo, maxkamadda ayaa sidoo kale joojisay xukun kaas lamid ah kadib markii nin haysta diinta Buddhism-ka uu dalbaday in loo keeno wadaad la taliya marka la khaarajinayo.




Source:-BBCsomali
Loading...
Loading...