Taliye Dabagale Oo Shaaciyey In La Hirgelinayo Xafiis Lagu Hagaajinayo Cabashooyinka Laga Qabo Booliska

0
Thursday February 20, 2020 - 15:46:20 in News by
  • Visits: 1745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Dabagale Oo Shaaciyey In La Hirgelinayo Xafiis Lagu Hagaajinayo Cabashooyinka Laga Qabo Booliska

    Taliye Dabagale Oo Shaaciyey In La Hirgelinayo Xafiis Lagu Hagaajinayo Cabashooyinka Laga Qabo Booliska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliye Dabagale Oo Shaaciyey In La Hirgelinayo Xafiis Lagu Hagaajinayo Cabashooyinka Laga Qabo Booliska


Hargeysa(HWN):-Taliyaha ciidamada booliska somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa shaaca ka qaaday inuu samaynayo xafiis u gaar ah cabashooyinka ay dadweynuhu qabaan.

Image result for taliye dabagale


Taliye Dabagale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu ku hawlan yahay sidii loo hirgelin lahaa xafiis lagu soo hagaajiyo cabashooyinka ay dadweynuhu qabaan ee ka dhanka ah booliska iyo talooyinka ay soo gaadhsiinayaan ciidanka.


Taliye Dabagale oo ka hadlaya xafiiskan cusub ayaa waxa uu yidhi "Waxa kale oo aanu samayn doonaa wakhti dhaw xafiis la yidhaa xafiiska cabashooyinka oo ay la soo xidhiidhi doonaan dadweynuhu kaas oo ay iskaga sii xidhmi doonaan booliska si ay iskugu soo dhawaadaan booliska iyo dadweynuhu.”


Taliye Dabagalle oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Waxa kale oo aanu samayn doonaa inaanu gobolada waa weyn saldhigyadooda dhexe ku hor dhajin doonaa sanduuq weyn oo adag oo bir ah kaas oo dusha ka daloola, waxaanay dadweynuhu ku guri doonaan cabashooyinka ay qabaan dadweynuhu iyo wixii talooyin ah ee ay hayaan, xafiiska cabashooyinka ayaana ka soo guran doona oo akhrin doonaa waana qorshe cusub oo aanu hada samayn doono, ujeedaduna waxay tahay inaanu dadweynaha isku sii xidhano maadaama oo boolisku yahay adeegayaasha dadka.”

Loading...
Loading...