Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Dhaliilo Musuqmaasuq Iyo Caqabado Xoogani Ku Xeeran Yihiin Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland

0
Thursday February 20, 2020 - 15:39:38 in News by
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Dhaliilo Musuqmaasuq Iyo Caqabado Xoogani Ku Xeeran Yihiin Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland

    Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Dhaliilo Musuqmaasuq Iyo Caqabado Xoogani Ku Xeeran Yihiin Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo Sheegay In Dhaliilo Musuqmaasuq Iyo Caqabado Xoogani Ku Xeeran Yihiin Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland


Hargeysa(HWN):- Xisbiga Waddani, oo sheegay inay dhaliilo musuqmaasuq,fashilaad iyo caqabado xoogani ku xeeran yihiin sanduuqa horumarinta Dhalinyarada Somaliland,oo dhawaan madaxweyne Muuse, wareegto kusoo saaray hirgalintiisa.

Yoonis Axmed Yoonis, xoghayaha Ciyaaraha iyo Dhalinyarada ee xisbigaasi, ayaa dhammaanba ugu baaqay beesha caalamka, ha'ayadaha maxaliga ah iyo cidkasta oo danaynaysay inay sanduuqani ka qayb-qaato inaanay ka qayb-qaadan haba yaraatee.

Xoghayaha ayaa sheegay ina sanduuqani cid gaara lagu quudin doono, cida maamulidiisa loo dhiibayaana ay tahay cid ujeedo gaara looga leeyahay.

Sidoo kale xoghayaha ayaa sheegay ina Dhalinyaro badan oo u hayaamay dhinaca magaalada Muqdisho,ay sabab u tahay inay Inay Somaliland isaga tagaan xukuumada Muuse Biixi,gaar ahaan masuuliyiinta wasaarada Ciyaaruhu.

Hadhwanaagnews

Hargeysa/office


Loading...
Loading...