Facebook Oo Macaamiisheeda U Oggolaaneyso Inay Wax Ka Ogaadaan Macluumaadkeeda Sirta Ah + Sababta

0
Monday April 01, 2019 - 22:48:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Facebook Oo Macaamiisheeda U Oggolaaneyso Inay Wax Ka Ogaadaan Macluumaadkeeda Sirta Ah + Sababta

    Shirkadda Facebook ayaa dhawaan daahfureysa barnaamij cusub oo sharraxaya sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Facebook ayaa dhawaan daahfureysa barnaamij cusub oo sharraxaya sida

ay u go'aansato waxyaabaha kasoo muuqda bogagga hore ee dadka isticmaala adeeggooda.

Batoon cusub oo ay ku qoran tahay su'aasha ku saabsan sababta aad waxyaabaha uga arafgtid shaashadda ayaa kuu caddeyn doona tallaabooyinka ay facebook u qaadday in ay kuu soo muuqdaan.



Waa markii ugu horreysay ee ay shirkaddan macaamiisheeda u oggolaaneyso inay wax ka ogaadaan macluumaadkeeda sirta ah ee la xiriira shuruucdeeda.


Shirkadaha Facebook, Twitter, Youtube iyo kuwo kale ayaa horay loogu dhaliilay inay iska go'aansadaan waxyaabaha u soo muuqda macaamiishooda, iyagoo aan sharraxaad ka bixinin sida ay howlahaas u maareeyaan.


Mas'uuliyiinta Facebook ayaa BBC-da u sheegay in adeeggan cusub uu maanta u furan yahay qaar ka mid ah macaamiishooda ku sugan dalka UK, balse waxay ballan qaadeen in dunida oo dhan si rasmi ah looga arki doono wixii ka billowda 2-da bisha May ee soo socota.


Batoonka lagu ogaanayo sirtan ayaa kasoo bixi doona qeybta kore ee dhanka bidix ah.

Facebook ayaa sheegtay in ay macaamiisheeda usoo bandhigi doonto siro kale oo ku saabsan habka ay u shaqeyso.

Waxay dadka u oggolaan doonaan inay ogaadaan sababta ay u arkaan xayeysiimaha, oo soo muuqanayay ilaa sanadkii 2014-kii.


Shirkaddan ayaa horay ula kulantay eedeymo fara badan oo ku saabsan in xog lagu xaday iyo in lagu faragaliyay hannaanka doorashooyinka ka dhacay dalalka qaarkood.


Isbuucii lasoo dhaafay ayuu madaxa shirkadda Facebook Mark Zuckerberg ku baaqay in dowladaha ay sameeyaan sharciyo arrimahaas wax looga qabto, isagoo sheegay in shirkadaha kaligood aysan awooddaas yeelan karin.


BBC

Loading...
Loading...