Weftigii Ka Socday Dalka Itoobiya Oo Wali Ku Sugan Somaliland Iyo Xogo Laga Helay Kulanki Ay La Qaateen Hogaamiye Muuse.

0
Thursday February 20, 2020 - 14:31:50 in News by
  • Visits: 6834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Ka Socday Dalka Itoobiya Oo Wali Ku Sugan Somaliland Iyo Xogo Laga Helay Kulanki Ay La Qaateen Hogaamiye Muuse.

    Weftigii Ka Socday Dalka Itoobiya Oo Wali Ku Sugan Somaliland Iyo Xogo Laga Helay Kulanki Ay La Qaateen Hogaamiye Muuse.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii Ka Socday Dalka Itoobiya Oo Wali Ku Sugan Somaliland Iyo Xogo Laga Helay Kulanki Ay La Qaateen Hogaamiye Muuse.


Hargeysa(HWN):-Weftigii ka socday wadanka Itoobiya oo ilaa haatan ku sugan somaliland ayaa kulan la qaatay hogaamiyaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.


Wararka laga helayo weftiga ka socda dalka Itoobiya ayaa sheegaya in socdaalkoodu salka ku hayo mashruuca Berbera Corridor oo ay qayb ka tahay dawlada Itoobiya kaas oo haatan dhismihiisu socdo.

Image result for muuse biixi iyo axmed shide


Sida ay sheegayaan xogo laga helayo kulan dhexmaray weftiga dalka Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirka Maaliyada Axmed Shide iyo hogaamiyaha somaliland Muuse Biixi Cabdi, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arimo la xidhiidha dekeda magaalada Berbera oo dib u dhis iyo maalgelin ay ku samaynayaan dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadku.


Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weftiga ka socda dalka Itoobiya iyo hogaamiyaha somaliland ay ka wada hadleen arinta aadka loo hadal hayo ee u dhaxaysa somaliland iyo soomaaliya iyo socdaalka uu raysal wasaaraha Itoobiya doonayo inuu ku yimaado magaalada Hargeysa iyada oo uu wehelinayo madaxweyne Farmaajo, balse ilaa hada ma jiraan heshiis arintaas laga gaadhay maadaama oo xukuumada Muuse Biixi ka hortimid in madaxweyne Farmaajo uu yimaado somaliland.


Dhinaca kale weftiga ka socda dalka Itoobiya ayaa maanta socdaal ku tagaya magaalada Berbera iyaga oo kormeer ku soo mari doona dekeda magaalada Berbera iyo dhismaha wadada Berbera Corridor kuwaas oo labaduba haatan socda.

Loading...
Loading...