"Tobankii Sanadood Ee Ugu Dambeeyey Waxaynu Dhex Fadhinay Xamar"…Siyaasi Cabdilaahi Darawal.

0
Thursday February 20, 2020 - 12:10:11 in News by
  • Visits: 3009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Tobankii Sanadood Ee Ugu Dambeeyey Waxaynu Dhex Fadhinay Xamar"…Siyaasi Cabdilaahi Darawal.

    "Tobankii Sanadood Ee Ugu Dambeeyey Waxaynu Dhex Fadhinay Xamar"…Siyaasi Cabdilaahi Darawal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Tobankii Sanadood Ee Ugu Dambeeyey Waxaynu Dhex Fadhinay Xamar"…Siyaasi Cabdilaahi Darawal.


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cabdilaahi Xuseen Iimaan Darawal oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee somaliland ayaa ka hadlay sida uu arko in madaxweynaha soomaaliya uu yimaado Hargeysa.

Image result for cabdilaahai darawal


Siyaasi Cabdilaahi Darawal oo la hadlay Saabtv waxa uu sheegay in somaliland ay tobankii sanadood ee u dambeeyey dhex fadhiday soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in hada la faaqido sababta qorshahaas culayskiisa leh loogula soo badheedho somaliland.


Siyaasi Cabdilaahi Darawal ayaa sidoo kale ka war bixiyey qorshayaal ay hirgeliyeen dawladihii kulmiye oo sababay in somaliland ay ku dhex milanto soomaaliya.


Siyaasi Cabdilaahi Darawal ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Anigu Farmaajo waxaan u haystaa nin canjilaya madaxweynenimada oo aanay waxba gacmaha ugu jirin, imaatinkiisana hadii aynu ogolaano wuu iman hadii kalana wuu iska joogi laakiin waxa macno samaynaysa in sodon sanadood ka dib laynoogu soo dhiiraday in hadalkas oo kale laynoola yimaado, taas ayaana u baahan inaynu ka fikirno sababta keentay.”


Sidoo kale Darawal ayaa faah faahiyey sababaha keenay in somaliland ku dhex milanto soomaaliya waxaanu yidhi mar kale "Marka la leeyahay Farmaajo ayaa imanaya horta waa inay dadku ka fikiraan tobankii sanadood ee ugu dambeeyey sidaynu u shaqaynaynay, anigu waxaan qabaa inaynu Xamar dhex fadhinay, maalintii la furay sharcigii xakamaynta siyaasiyiinta inay arimaha soomaaliya iyo Xamar tagaan ayey u bilaabantay,aniga iyo qolo kale oo aanu isku si wax u arkay waxaanu odhan jirnay ma laga yaabaa inaga oo dhex fadhino inaynu aragno, sababtuna waxa weeyaan markii sharcigaas la furay waxa lagu dhawaaqay nimanku lacagteenii ayey hayaane waynu la boobaynaa oo aan la qarsanba, waxa kale oo dhacday in tobankaas sanadood mucaawino uu caalamku ina siiyey oo aan soomaaliya soo marin maynu qaadan ilaa hadana ma qaadano, hay’addaha xafiiskyada ku leh somaliland markii hore Nairobi ayaa laga xukumi jiray oo labadeenuba midkeeba dhinac ayuu toos ula xidhiidhi jiray”


Siyaasi Cabdilaahi Darawal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Maantana kuwa xamar jooga ayaa maamula iyaga ayaana la waydiinayaa talada miisaaniyada la waydiinayaa oo xafiisyadii madaxa ahaa fadhiya, waxa ka daran waxyaabo badan oo aanu anagu iska ilaalin jirnay oo dadka si aan la filayn isku dhexgaliya, siminaar ayaa halkan lagu qabanayaa kuwii xamar ayaa imanaya ama midbaa xamar lagu qabanayaa oo shaqaalaheenii ayaa tagaya, marmar ayaanay dhacdaa inay shaqaalaheenu ku dhintaan qaraxyada halkaas ka dhaca iyaga oo siminaaro u tagay dee markaa ma odhan karno maanu dhex fadhiyin, inaga oo waxaas oo dhan samaynayna ayeynu la yaabaynaa Farmaajo ayaa yidhi waan imanaya waxaanu u arkaa inuu ku xukumo oo wax kastaa kuu soo marayaan.”

Loading...
Loading...