War Deg Deg Ah: Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Soo Gaadhay Hargaysa

0
Wednesday February 19, 2020 - 12:09:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6138
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Itoobiya Oo Soo Gaadhay Hargaysa

    Hargeysa (HWN) – Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) – Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland uu goordhoweyd soo gaadhay Wafdi uu hogaaminayo wasiirka maaaliyada Ethiopia, Axmed Shide.

 

Wasiirka ayaa waxa goordhoweyd madaarka Cigaaal ee Caalamiga ah ku soo dhaweeyay Xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Biixi, iyadoona uu isla maanta uu kulan Madaxweyne Biixi kula qaadan doono Qasriga madaxtooyada Somaliland.

 

ujeedka Safarka Wasiirkan ayaa ah sidii loo dar-dar gelin lahaa xidhiidhka labada dhinac, iyo weliba arrimo la xidhiidha wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Waxa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in uu Wasiirku qeyb ka yahay cadaadsiyo ay dowladda Itoobiya ku saareyso xukuumada Madaxweyne Biixi inay Hargeysa ku soo dhaweeyaan Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Booqashada Wafdigan ayaa ku soo aadeysa xili uu shalay Madaxweynaha Somaliland uu si qayaxan uga horyimid safarka uu Madaxweyne Somaliya ku imanayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland

 


Loading...
Loading...