Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Ee Somaliya Oo Uga Digay Hal Arin Madaxweyne Farmaajo

0
Wednesday February 19, 2020 - 11:47:01 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Ee Somaliya Oo Uga Digay Hal Arin Madaxweyne Farmaajo

    Wuxuu carabka ku adkeeyay ineysan yeeli doonin dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu carabka ku adkeeyay ineysan yeeli doonin dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa madaxweyne Farmaajo uga digay inuu xilka isku sii dhejiyo marka uu muddo xilleedkiisa dhammaado.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in hadda wada hadalo u socdo Xisbiyada Mucaaradka iyo qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliya ay kaga arrinsanayaan waxay yeelayaan haddii ay dhacdo in Dowladda ay xukunka isku sii dhejiso ama Farmaajo uu mudo kororsi sameeyo.

Wuxuu carabka ku adkeeyay ineysan yeeli doonin dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee Dowladda hadda jirta oo ay ka dareemayaan waxaysan jecleysan,islamarkaana muhiim ay tahay in dalka loo turo.

Mucaaradka Dowladda ayaa walaac ka muujinaya xaalka dalka iyo sida madaxweyne Farmaajo uu si nabad ah xukunka ugu wareejin lahaa marka uu xilkiisa dhammaado.

Waxaa socda qorshe dalka uu ku gelayodoorasho 2021,taas oo si weyn shacabka Soomaaliyeed ay u wada sugayaan.

Image result for cc warsame


 

Loading...
Loading...