Xildhibaano ka soo horjeestay hadalka uu yiri Wasiir Maareeye.

0
Wednesday February 19, 2020 - 11:25:46 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano ka soo horjeestay hadalka uu yiri Wasiir Maareeye.

    Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay tahay meel dimuqraadiyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay tahay meel dimuqraadiyad

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwnaaday sida Madaxda Dowladda u wajahayaan Soomaaliland si loo xaliyo tabashada ay qabaan dadka kunool deegaannada Soomaaliland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maalin ka hor sheegay in Soomaaliland Siyaasadeeda ay iyaga kaliya isku koobeen oo laga maamulayo Gobaha fadhi ku diriryada, hayeeshee balse loo baahan yahay inay Adduunka la qeyb sadaan

Dhinaca kale waxaa hadalkaas Wasiir Maareeye ka jawaabey Xildhbaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan Golaha Shacabka sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga difaaca Golaha,waxana uu sheegay in hadalka Wasiir Maareeye uu yahay mid aad looga xumaado,isla markaana looga baahan yahay inay raali gelin ka bixiyo.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay tahay meel dimuqraadiyad buuxda ay ka jirto dhowr marna ay ka dhaceen doorashooyin qof iyo Cod ah,isla markaana ay yihiin dadka Soomaaliland kuwo tashaday oo amnigoda hagaajistay.


Image result for Xildhibaan Xuseen Carab Ciise

Loading...
Loading...