Maamulka Puntland oo hakisey Shaqada Shirkadaha Xajka & Cumrada

0
Wednesday February 19, 2020 - 11:12:02 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland oo hakisey Shaqada Shirkadaha Xajka & Cumrada

    Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta,

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah loo hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee ku sugan degaannada Maamulkaas.

 

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka & Dhaqan-celinta Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa lagu hakiyey Shaqada Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada ilaa iyo inta laga hubinaayo habsami u socodka howsha ay hayaan Shirkadahaas.

Sidoo kale Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu amrayo Shirkadaha ka shaqeeya Arrimaha Xajka iyo Cumrada in muddo Todobaad gudihiis ah ay isku soo diiwaan geliyaan si loo hubiyo habsami-u-socodka Shaqadooda,isla markaana cidii fulin weysa amarkaas tallaabo laga qaadi doono.




Loading...
Loading...