Wataas Ceel Walwaaleed Ku Go'een Wadaamii ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday February 19, 2020 - 08:16:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 9
  • Share via Social Media

    Wataas Ceel Walwaaleed Ku Go'een Wadaamii ( Abdi-Shotaly).

    Hees baa waxa tidhaahaa " Geedkii ka magoola meel gebi ahba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hees baa waxa tidhaahaa " Geedkii ka magoola meel gebi ahba
malagu geela waa ku madhin jirey, ee wad-kaygi dhun-kaal ma muud-saday" oo micna-heedu yahay. intuu neefka geela ahi tiigsa-naayo, laan gebi ka sii laakaadda buu jar ka duulaa.Waxan hadaba uga socdaa,  kolba qar iska xoor iyo meel kale ka fad-kudini iyo jiho warwer ciiro isku qarin ah, intee buu ku jiri maamulka jaan-gawracan ee " Xaafad-tooyadu". Maalin-ba ta uu la yimaadaa waa ka dar oo dibi dhal iyo alla weger tani waa ka waasacan, haddii ceel walwaaleed ku go'een wadaamii. Ujeedadda uu ka leeyahay-na wax kale maaha, ee waa mudo been ah korodhso iyo wax aan jirin, oo aan soconayn kula meerayso ummadda, oo wakhtiga kaga mash-quuli, si aad ugu cimri dheeray-sato kursi ku sii fadhiga.Waxa u caadi ah askariga " ku nool guriggii Moorgan" In halkii uu ka fulin lahaa wixii looga fadhiyey ama laga sugaayey, uu la yimaado wax meesha-ba oolin oo aan leekayn. Taas oo ah qayb waalidda ka mid ah, waana dhaqanka lagu yaqaano qof wax ka si yihiin oo aan dhamayn sidda "Raggii ma adigaa ka hadhay"  Arin-kaas oo ah aragtidda ay somalidu markay xaajo ka yaabto ku cabirto " Kaba tokaw ma halkaas baad ka baxday". Aan ku soo dhawaadee ujeedadda aan u qalin qaataye, indha-haaga iyo dhega-haagga u fur waa kan sawirka runta ah ee askari-guye:-

 

Waxa la yidhi "Habar dhali wayday alleelo ku waalataye" Akhristaw xaalku waa waaliyi-ba-waali ha kuu dhiibtee. Adiguba ila qiyaas haddii aanad meel iskaga baydh iyo ahayn maamulka baan xaq darro ugu sacab tumayaa, sababta oo ah anaka baa dan gaar ah ku qabna, hadiise aad daacad u tahay Somaliland oo aanay munaafaqad iyo jeegaanimo kaa ahayn, ka jawaab siday u dhici karaan arimahan soo socdaa? 

(a) Waxa xaalku taagnaa, oo la isku mari la'aa Doorsho ha la qabto xaq iyo xalaal ah, oo ha loo xil saaro dad ka madax banaan siyaasadda xusbi-yadda iyo beelaha, kun jeer baa lagu heshiiyey, oo uu mar kaste hadana diidanaa, sidaas oo askarigu kolba ka baxaayey wixii la isku ogaa, oo uu dabadda warwareej-naayo,oo bad aan tiiba ahayn sii gelaayey iyo kiis iska waal uu ku kaco, buu imikana waalidii dhabta ahayd shaaca sii qaaday ee bal ila eega tana.

(b) Waxay sartu ka qudhun-sanayd Komishan ku sheegan Ina Riyo-raac hor boodayaa dhex uma noqon karaan xusbi-yadda, oo dhinac buu ka raran yahay ee ha la bedelo, iyo khasab baan ku meel marinayaa iyo ku soo fadhiiso, bal cidaad marin karto.Tii oo aan go'aan laga gaadhin, wax la isla meel dhigay-na aanay jirin, buu maantana siddii lagu yaqaanay uu toos isu soo qaawiyey ilayn waa weel madhane.

(c) Waxa is waydiin mudan hadaba akhristaw, Waa kan la hadaaqay waxan furayaa Ururo'e " Yaa qabanaaya doora-shadda ururadda?" Ma kuwa uu iskaga haysto jeebka? Mise qaar kaloo hor leh? oo aan la garanayn meel uu ka keenay? Ma kuwii gudidda dhex-dhexaadintu soo jeedi-yeen? Ilayn wax waliba kan way ka suurtoo-baane, oo wax inoogu dhimani waa iskaba yar yihiine.

 

Waxan ku soo xidhay qoraalkan, waxan aqaan maskaxdda cuq-dad ku noosha ah, ee labadda askari siday u fekerto iyo colaadda ay u qabaan beello gaar ah baa sidan ah.  Waxay tahay wuxu askarigu u furayaa ururadda aan wakhti-gooddii weli gaadhin, wax kale maaha ee waa sababtan soo soco ee iyana iga qabta. Waxay siisay maskax-diisa xumi, in uu saaxadda siyaasadda ka saaro beesha Garxajis oo uu labadan Xusbi ee Ucid iyo Waddani ka tuuro tartanka madax-nimadda, qaaro beello kale ahna uu soo saaro. Si aanu Garxajis oo ah Faraha beesha isaaq, aanu kursiga kula loolamin. Waa taas maskaxdda ku jirta askarta "Xaafad-Tooyadda" ka talisaa.  Waxan-se ku soo af-jaray ugu dambayn. Beeni soo daba beeshay oo ma dhacayso doorasho ay qabana-yaan Koox uu " Ina Riyo Jire" U madax yahay ee dhako kale jeen. Aday-na kuu taalaa hadaad samadda ka furayso ururo iyo haddii aad Guriga Moorgan ka dhex furayso-ba, cidda kaa yeelay-sana Maskax-daadda bugta ka dhex baadh-baadh way kuu dhamaa-taye.

 * N.B Kaba Tolaw Ma Halkaas Baad Ka baxday.

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...