Wakhtigii ay Jamhuuriyada Somaliland xoriyada ka qaadatay
Boqortooyadii
ingiriiska 26 juun 1960kii waa tii Jamhuuriyadii Somaliland oo curdin ah
oo aan Todoba Cisho jirsan Xamar loola cararay ee Dal calankii
isticmaarku ka taagan yahay calan xor ah dhuumashada loogu geeyey,
dabadeed waatii 28ka sanadood Dulmiga, caddaalad daro iyo Dowlad aan
lawada lahayn Somaliland iyo Soomaaliya ay kuwada joogeen iyaga oo ku
guuldaraystay midnimadii SHANTA SOOMAALIYEED ama SOOMAALIWEYN, waatii
xigtay 3 sanadood oo xasuuq qayaxan oo reer Somaliland loo gaystay,
dabadeed waatii 18 may 1991dii Jamhuuriyadii Somaliland Dib loo Dhidbay,
dabadeed mudo 29 sanadood ah markay Somaliland jamhuuriyad gooni u
taagan ahaayd Dunidana ictiraaf kadoonaysa Mar qudhuun Xamaray kaalay
Hargeysa ay YEEDHAY, oo waatan muwaadiniintii reer Somaliland cadho
qaraqmay markay maqleen Madaxweynihii Somaliland Mudane Muuse Biixi
Cabdi ayaa Farmaajo itoobiya ugu tegay, iminkana sow dhiigii ku'muu wada
kicin markay maqleen Xamar iyo Fiila Soomaaliya oo aggaamaheedii wadata
oo Farmaajo horkacayaa Hargeysa imanaaya, waxa se layaab noqotay
Ummadan Xamar looga waramaayo ee kii u ahaa madaxweynaha uu waxba u
sheegi kari waayey shacabkiisii ee Afka ka xidhay ee iskaashatadiisii
caanalayda ahayd ee uu dhawaan samaystay iyo halaha weyda ah ee uu
meesha ku weegaartay isku mashquulinaaya, waa yaab! Tolow Mudane Muuse
Biixi itoobiya Maxaa kasoo maray, waakan shib yidhee Xamarna ay
showraysee?
Hadal
iyo dhamaan Farmaajo hargeysa wuu imankaraa siddii hore loo sheegay
Hadduu ictiraafo in Somaliland tahay jamhuuriyad Madaxbanaan oo aan ka
mid ahayn Soomaaliya, caleemo qoyanbaana lagu soo dhawayn haddu taa
qiro, se anigoo ictiraafin baan iska imanayaa ma Dowlad gobaleedadiisii
ayuu moodayaa!, Takale Madaxweynaha itoobiya wuu Imankara isagu se
Farmaajo ayaan soo kaxaysanayaa ma Afadiisii baa mise waa wiil uu
dhalay, sidani waa yaabe!.
Madaxweyne
Muusow wax noo sheeg ma raaligelintii afgobaabsiga ahayd ee uu raaciyey
waa in jabhadii SNM ee xaq u dirirka ahayd, iyana xaal bixiyaan, miyaad
adna Mudane u balan qaaday xaal-marin Farmaajo oo tidhi hargeysa
kaalay, Mudane Madaxweyne shacabkaaga runta u sheeg oo la Hadal Xamaray
waa markiiniiye kaalaya Hargeysa, wax kaa Soconaaya mayhee.
Illaahay baa Mahad leh
Midnimana Somaliland
Fuad Fartaag
[email protected]