"Kornayl Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo way soo heshiiyeen, Laakiin markii uu arkay darreenka Shacabka ayuu is-badalay"

0
Wednesday February 19, 2020 - 06:01:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kornayl Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo way soo heshiiyeen, Laakiin markii uu arkay darreenka Shacabka ayuu is-badalay"

    "Kornayl Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo way soo heshiiyeen, Laakiin markii uu arkay darreenka Shacabka ayuu is-badalay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kornayl Biixi Iyo Madaxweyne Farmaajo way soo heshiiyeen, Laakiin markii uu arkay darreenka Shacabka ayuu is-badalay"

Hargaysa(HWN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay khudbadii uu Kornayl Muuse Biixi uu ka hor jeediyay labada gole ee baarlamaanka Somaliland, isagoo sheegay in uu hayo xogo la xidhiidha kulankii Addis-Ababa.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in diidmada Kornayl Biixi ay timid kadib markii uu arkay in dadweynaha reer Somaliland ay si weyn uga hor-yimaadeen safarkii la hadal hayey ee Farmaajo ku imanayey Hargeysa.
Image result for faysal cali waraabe


Faysal Cali ayaa xusay in Madaxweyne Farmaajo iyo Kornayl Muuse Biixi ay gaadheen heshiis hoose, kaasi oo horseeday in Raysul wasaare Abiy Axmed uu ku hirto in uu Farmaajo isku soo raacaan Somaliland.

Faysal ayaa waxa kale oo uu sheegay in ‘Diidmada qayaxan’ ee uu Kornayl Muuse Biixi ku diiday imaanshaha Farmaajo, ay tahay mid ay ku kalifeen shacabka reer Somaliland, balse uu go’aankiisu ka badalnaa markii hore.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shaaciyay in uu hayo Xogo la xidhiidha kulankii Kornayl Muuse Biixi iyo Farmaajo ku dhex-maray magaalada Addis-Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

"Waxani waa wax ay ku soo heshiiyeen markuu arkay mawjaddii shacabka Somaliland ayuu is baddalay, xogo kalana waan hayaa iyo waxaa ku kallifaya” ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Kornayl Muuse Biixi oo khudbadii sanadlaha aheyd ee Dastuuriga ka horjeedinayey labada gole ee baarlamaanka, ayaa sheegay in uusan marnaba ogolaaneyn in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kornayl Muuse Biixi ayaa waxa kale oo uu soo dhaweeyay Raali-gelin uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya uu ka bixiyey xasuuqii dowladda kacaanka ay ku qaaday Somaliland, isagoona arrintaasi ku sheegay mid kedis ku noqotay oo uusan fileyn.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...