Wefti uu Hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia oo Maanta Hargaysa Imanaaya Iyo Nuxurka Socdaalkoodda

0
Wednesday February 19, 2020 - 02:52:18 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Wefti uu Hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia oo Maanta Hargaysa Imanaaya Iyo Nuxurka Socdaalkoodda

    Wefti uu Hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia oo Maanta Hargaysa Imanaaya Iyo Nuxurka Socdaalkoodda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wefti uu Hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia oo Maanta Hargaysa Imanaaya Iyo Nuxurka Socdaalkoodda

Hargaysa(HWN):-Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalka Ethiopia Axmed Shidde ayaa la filayaa inay Maanta soo gaadhaan Caasimadda Hargeisa ee xarunta Somaliland.



Ma jiro war rasmiya oo dawladda Ethiopia ka soo saartay Booqashadda Weftiga uu hogaaminaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, balse Ilo wareedyo kala duwan ayaa Warbaahinta Hadhwanaagnews u xaqiijiyay in Arbacadda maanta ah ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay soo gaadhi doonnaan Wefti uu hoggaaminnaayo Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dalka Ethiopia Mudane, Axmed Shidde iyo Wasiirul-dawladdaha arrimaha dibadda ee dalkaas, waxaanna la filayaa inay Kornayl Muuse Biixi Cabdi kala hadli doonnaan, isla markaanna u gudbin doonnaan dhambaalo iyo farriimo ay uga siddaan Ra'iisul-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed.

Warku waxa uu intaas ku daray in Xubnaha Weftiga dalka Ethiopia ee uu hoggaaminnaayo Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas Ahmed Shidde ay Kornayl Muuse Biixi Cabdi ku qancin doonnaan aqballaada Booqasho ay si wada-jir ah ugu yimaaddaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed, taasoo sida wararku sheegayaan uu toddobaadkii hore kula soo qaatay magaalada Addis ababa oo ay kulan ku yeesheen Kornayl Muuse Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, taasoo wax iska badalleen markii uu Hargeisa soo gaadhay Kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee, Weftigan uu horkacaayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia ayaa la filayaa inay Kornayl Muuse Biixi u soo bandhigaan fullinta qoddobadii uu ku soo aqbalay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia, iyaddoo uu Kornaylkunna khudbad sanadeedkii uu maalintii shalay uu u jeeddiyay goleyaasha uu ku sheegay inaanay suurto-gal ahayn booqasho uu Madaxweyne Farmaajo ku yimaaddo Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, hase yeeshee waxa aynu isha ku hayn doonnaa Qoddobadda ay Weftigaaasi u soo gudbiyaan iyo go'aannada uu ka qaaddo kornayl Muuse Biixi Cabdi.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...