"Khudbada Muuse Waxa Laga Dheehanayey Inuu Ka Noqday Gooni Isku Taagii Somaliland"..Xidhiidhiye Dr. Dool

0
Tuesday February 18, 2020 - 14:04:57 in News by
  • Visits: 2905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Khudbada Muuse Waxa Laga Dheehanayey Inuu Ka Noqday Gooni Isku Taagii Somaliland"..Xidhiidhiye Dr. Dool

    "Khudbada Muuse Waxa Laga Dheehanayey Inuu Ka Noqday Gooni Isku Taagii Somaliland"..Xidhiidhiye Dr. Dool

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khudbada Muuse Waxa Laga Dheehanayey Inuu Ka Noqday Gooni Isku Taagii Somaliland"..Xidhiidhiye Dr. Dool


Hargeysa(HWN):-Xidhiidhiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ee qaarada yurub iyo Ameerika Cismaan Cumar Dool ayaa ka hadlay khudbadii uu hogaamaiye Muuse Biixi ka jeediiyey labada gole.

Image result for cismaan cumar dool


Xidhiidhiye Cismaan Cumar Dool ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in khudbada Muuse Biixi laga dheehan karayey inuu ka noqday gooni isutaagii somaliland.


Xidhiidhiye Cismaan Cumar dool ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu dhignaa sidan:-


Qudbadii Muuse Biixi hadaan si fiican u dhamaystay nuxurkeediina wuxuu noqday in uu ka noqday Gooni isu taagii Somaliland.


Waxaana u Markhaati ah sadexdan qodob


1. Ururo ayaan furayaa wuu iska hadlayaa wuxuu uga jeeda in uu meesha ka saaro Kalsoonida labada Xisbi Mucaarad iyo Dadweynaha reer Somaliland si uu meel banaan oo Bilaa Challenge ah ugu fururo damaciisa uu wato.


 Xisbi ayuu doorasho u qaban kari waayay ee sideebuu 40 Qabiil Doorasho ugu qaban karaa Impossible.


Habartii xaabada la kici kari wayday ee tidhi mid kale kusoo dara


2. Qodobka labaad ee Markhaatiga ahi waa in uu duuduub ku qaatay raali gelintii Farmaajo, xitaa muu ka hadal oo muu naqdiyin in uu Farmaajo yidhi SNM raali gelin ha bixiyaan isagoo taa badelkeeda sheegay in uu Farmaajo ku degdegay imaanka Hargeisa ee uu garawshiyihii ka daba keenay.


3. Qodobka sadexaad waa in uu ku gar naqsaday in wixii dhacay aanay dib u dhicin.

Gebagebadii in kasta oo umadii ay noqotay duurjoog uu bin qudhi dambaabo hadana weli waxaa nool dad wax fahmaaya.


Muuse Biixi VS Duur Joogta.

Loading...
Loading...