Imtixaanaadka Hay'adda Shaqaaluhu Ma Cadaaladbaa Mise Hadiyad Ahaan Ayey U Bixisaa Boosaska Loo Tartamo?

0
Tuesday February 18, 2020 - 13:49:49 in News by
  • Visits: 1270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imtixaanaadka Hay'adda Shaqaaluhu Ma Cadaaladbaa Mise Hadiyad Ahaan Ayey U Bixisaa Boosaska Loo Tartamo?

    Imtixaanaadka Hay'adda Shaqaaluhu Ma Cadaaladbaa Mise Hadiyad Ahaan Ayey U Bixisaa Boosaska Loo Tartamo?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imtixaanaadka Hay'adda Shaqaaluhu Ma Cadaaladbaa Mise Hadiyad Ahaan Ayey U Bixisaa Boosaska Loo Tartamo?


Hargeysa(HWN):-Hay’adda shaqaalaha ee somaliland ayaa ka mid noqotay meelaha uu biyo dhigay musuq maasuqa jilbaha aastay ee ka dhex jira xukuumada hogaamiye Muuse Biixi.

Image result for farxaan aadan haybe


Masuuliyiinta hay’ada shaqaalaha ee somaliland ayaana haatan si aan gabasho lahayn dibada ugu soo saaray musuq maasuqa ay gaysanayaan, iyaga oo cadaalada daradii ugu darnaydna ka sameeyey imtixaanaadka loo galo boosaska shaqo ee ay soo xayeysiiyaan kuwaas oo farta ka saara dad aan si cadaalad ah ugu guulaysan balse ay si dadban u soo saaraan.


Musuqii ugu dambeeyey ayey masuuliyiinta hay’adda shaqaaluhu ka gaysteen imtixaan loo galay boos shaqo oo loo doonayey wasaarada gaashaandhiga ee somaliland.


Garyaqaan Wali AxmedAadan oo ka mid ah tartamayaashii imtixaanka u galay booskaasi ayaa soo bandhigay musuq maasuq lagula kacay, waxaanu Hadhwanaagnews soo gaadhsiiyey qoraal uu kaga hadlay sida musuqu u dhacay.


Garyaqaan Wali Axmed Aadan ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:-


Agaasimaha shuruucda ee baanka adduunka iyo hay'adda shaqaalaha dawladdu u qaateen wasaaradda difaaca miyaa lagu tartamay mise hadiyad baa lagu bixiyey?. Xogtan hoose markaad akhridaan jawaabta idinka ayaan idiin daayay.



Sidaad ka war qabtaan imtixaankii lagu kala saarayey garyaqaanada u tartamayey booskaa wuxuu ka koobnaa qoraal iyo waraysi, labada imtixaanba waxa la galayey laba cisho oo isku xiga 22 bishii January 2020 iyo 23 January 2020.


Haddaba aniga oo hadalka soo gaabinaya imtixaankii qoraalka ahaa ee aanu u fadhiisanay 22 January waxa gebi ahaanba aan soo xaadirin garyaqaanka imika la sheegay inuu ku guulaystay jagadaas.


Waqtiga imtixaankaas qoraalka ahi wuxuu ahaa hal saac oo ahayd 9:15am illaa 10:15am, anaga oo iska tagnay markii aanu dhamaysanay balse nasiib darro 11:30 am isla maalintaas ayaa la ii sheegay in isla imtixaankii, hadda isla imtixaankii aanu saaka ka baxnay ninkaa la sheegay inuu guulaystay kaligii laga qaaday, kolkii aan guddidii imtixaanka sababta waydiiyeyna waxay cudurdaar ka dhigteen in taleefankiisii waayeen oo aanay ogaysiin waqtiga imtixaanka, bal hadaba Miyey imtixaanka uun bedelaan ama Miyay imtixaan kale iskugu kaaya yeedhaan?!. Mooyi!.



Maalintii ku xigtay oo ahayd 23 January waxaanu wada galnay imtixaan waraysi ah balse markii ay mudo bil ah ay natiijadii la maqnaayeen ayay dhawaan sheegeen in ninkii aan imtixaankaba nala gelin uu ku guulaystay booskaas.


Guddida imtixaanku warbixintan aan idinla wadaagay ma dafirsana, sideedana way u ogol yihiin lkn waxaan garan waayay kitaabka ay ku dhaarteen.


Ugu danbayn, Ujeedada qoraalkani maaha in aan cid weerarno ee waa in aan wax ku saxno. Mahadsanidiin.

Loading...
Loading...